Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo bilaabay in ay Gobolada dalka u kala diraan sahaydii gurmadka Abaaraha ee ka timid Dowladda Imaaraadka Carabta

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA):-Guddiga Gurmadka Abaaraha ee heer Qaran ee Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan gaarsiiyey diyaaradii ugu horreysay oo sida raashin deeq ah kaas oo dhowaan Dowaladda Imaaraadka carabtu ugu deeqday Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay maanta bilaabeen qeybinta deeqdan, iyagoo qorsheynaya in maalmaha soo socda ay taageero noocaan oo kale ah u kala diri doonaan magaalooyinka Xudur ee gobolka Bakool iyo magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

La wadaag cid kale