Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dowladda oo ku guulaysatay meel marinta 11 hindise sharciyeed oo muhiim ah [Warbixin]
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Dowladda oo ku guulaysatay meel marinta 11 hindise sharciyeed oo muhiim ah [Warbixin]
MaqaalladaWararka

Dowladda oo ku guulaysatay meel marinta 11 hindise sharciyeed oo muhiim ah [Warbixin]

By SB
Last updated: March 25, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Xiriirka ka dhaxeeya bulsho, sharci iyo hab dhaqan sharci si loo fahmo sharci waxaa loo baahan yahay in la dul istaago xiriirka ka dhaxeeya bulshada, sharciga iyo hab dhaqanka (system). Qofna keligiis ma noolaan karo, qof kasta wuxuu u baahan yahay inuu la noolaado dad kale, oo uu kala kaashado wax ka qabashada baahidiisa faraha badan. Waxaa meel wada dega dad isku Dhaqan, isku Diin, isku Hiddo, isku Luuqad, isku dhiig ah.

Dadka meel ku wada nool, waxay u baahan yihiin hab dhaqan sharciyeed oo habeeya noloshooda si ay u hiigsadaan himilooyinkooda, si loo ilaaliyo inaan qofna qofka kale ku xadgudbin, waxaa jira xoogag habeeya nolosha Insaanka, oo ka siman ilaalinta wixii bannaan in la sameeyo, iyo xaraantinimeynta wixii xun oo aan wanaagsaneyn in la sameeyo. Kala soocidda waxa fiican iyo waxa xun, waxay sugayaan xasilloonida bulshada, iyo nabad kuwada nolaashaha.
Sharciga wuxuu u kala baxaa noocyo kala duwan, sida dastuurka dalka looga dhaqmo, iyo shuruucda noocyadiisa kala duwan oo Baarlamaanku ansixiyo kadibna Madaxweynaha Jamhuuriyadda saxiixo, si loo daboolo baahiyaha kala duwan ee loo qabo sharciga, oo guud ahaan marka leysku duubo isugu biyo shubta system ama habdhaqan sharci (legal system).

Bulsho kasta oo meel wada deggan haddii uusan jirin habdhaqan sharci oo habeeya ama haga wada nolaashahooda, waxay gelayaan xaalad fowdo ah, wada noolaashaha dadka, iyo horumarka dalkana aad iyo aad ayey u adkaanayaan. Ummad kasta oo meel deggan markii ay sameystaan sharciyo waxay noqonayaan dad leh habdhaqan haga xiriirkooda bulsho, siyaasad iyo dhaqaale. Waxaa laga hadli karaa Dawlad marka la helo dad, dhul iyo habdhaqan sharciyadeed oo wada socda.

Dadka Soomaaliyeed waa dad Taariikh ahaan dhaqan iyo xeerar wanaagsan leh, inta aysan soo gaarin Diinteena Suuban Islaamka taasoo iyana sii xoojisay dhaqanka wanaagsan ee dadkeena, waana bulsho ku adag ku dhaqanka sharciga diininga ah iyo xeerarka hoose aanan ku horimaaneynin Diinta Islaamka.

Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa bud dhig u ah shareecada Islaamka, waana waxba kama jiraan xeer kasta oo ku hor imaanaya Diinteena suuban ee Islmaaka sida ku cad Dastuurka dalka, iyadoo xeer kasta la waafajinayo kan Dastuurka dalka oo isna adkeeyey Diinteena Suuban ee Islmaaka.

Hadaan u soo daadago dulucda Warbixintan ayaa ah muhiimadda 11-ka sharci ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud saxiixay dhawaan ee uu Baarlamanka dalku meelmariyay, kuwaas mid kasta bulshada dhan wanaagsan ka kaabaya oo waxtar wayn u leh dalka iyo dadka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku saxiixay sharciyada ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka ee kala ah:

1 .Sharciga La-dagaallanka Argagixisada.

2. Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed

3 .Sharciga Socdaalka

4. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha

5. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis,

6. Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha,

7. Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

8. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidaan oo kale u saxiixay Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) iyo Sharciga Korontada Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golayaasha kala duwan ee dowladda iyo khubarada Soomaaliyeed ee soo diyaariyey shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.

Shuruucdan 11-ka ah ee mid kasta muhiimaddiisa gaarka leh ayaa dadka u dhuun doloola xaalka guud ee dalka aaminsan in dhamaan sharciyadan ku soo aadeen waqti baahi wayn bulshada Soomaaliyeed u qabtay, waxayna ku sifeeyeen kuwa bulshada mid Diin ahaan, Dhaqanka, dhaqaale iyo Siyaasadba kaabaya maadaama midkasta uu la xiriira sal u dhigidda hanaanka nolol ee dadkeena iyo dalkeena.

Aqoonyahanno badan ayaa ku baaqaya in bulshada si wanaagsan loo gaarsiiyo sharciyada la meelmariyay oo buugaag iyo majalado suuqyada laga heli karo laga dhigo, maadaama iyagu yihiin kuwa loogu aadeegayo, taaso sahleysa in dadka ku dhaqmaan ixtiraamaana sharci kasta, sidoo kale dadka ajaaniibta uga akhristaan si ayaguna wax uga oogaadan sharciyada dalka.

Marka la iskuu duubo hanaanka hadda dowladda Soomaaliyeed dalka ku hageyso, waxaa muuqato Soomaali cusub oo taariikh dhif iyo naadir ah sameynayso, duninada u direyso fariin ka duwan tii hore ee aheyd dowlad is haysta oo horay u socon, taasoo hadda u muuqata mid golayaasha kala duwan ee dowladda ka dhaxeeya hanaan shaqo oo ku dhisan Isla-xisaabtan adag.

Ugu dambeyn dowlad jirta wax ka yar hal sano meelmarisayna shuruucdan 11-ka ah ee aan kor ku xusnay oo dhamaan muhiimka u ah dowlad dhiska dalka ayaa laga filan karaa wax ku cusub taariikhda dhibka lahayd ee dalkeennu ku jiray wax ka badan sodon-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana looga fadhiyaa fulinta ku dhaqanka sharciyada aanan dhaafsiisneyn buugaagta loona badalo ku dhaqan oo halbeeg adag u noqda dowladnimada Soomaaliyeed.

SONNA

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

KU-SIMAHA MADAXWEYNAHA JFS OO XAFLAD SOO DHAWEEYN LOOGU SAMEEYAY MAGAALADA XUDUR

Muqdisho(SONNA):-ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay ka…

GudahaWararka
December 14, 2022

Wasaarada Cadaaladda Galmudug oo daahfurtay Tababar ku saabsan Caddaaladda

Dhuusamareeb-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Caddaaladda dowlad gobaleedka Galmudug, mudane Cabdi Maxamed Fiidoow “Baliile” ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka daah-furay tababar ku saabsan…

GudahaWararka
November 3, 2021

Shir looga hadlayo qaban qaabada maalmaha xoriyadda oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Cali Yuusuf…

GudahaWararka
May 30, 2025

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo ka qeyb galay shirka caalmiga ah amniga ee Munich

Munich (SONNA): Shirkan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira amniga, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada, isbeddelka cimilada, iyo xaaladaha…

GudahaWararka
February 16, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023