Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dowladda oo ku guulaysatay meel marinta 11 hindise sharciyeed oo muhiim ah [Warbixin]
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Dowladda oo ku guulaysatay meel marinta 11 hindise sharciyeed oo muhiim ah [Warbixin]
MaqaalladaWararka

Dowladda oo ku guulaysatay meel marinta 11 hindise sharciyeed oo muhiim ah [Warbixin]

By SB
Last updated: March 25, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Xiriirka ka dhaxeeya bulsho, sharci iyo hab dhaqan sharci si loo fahmo sharci waxaa loo baahan yahay in la dul istaago xiriirka ka dhaxeeya bulshada, sharciga iyo hab dhaqanka (system). Qofna keligiis ma noolaan karo, qof kasta wuxuu u baahan yahay inuu la noolaado dad kale, oo uu kala kaashado wax ka qabashada baahidiisa faraha badan. Waxaa meel wada dega dad isku Dhaqan, isku Diin, isku Hiddo, isku Luuqad, isku dhiig ah.

Dadka meel ku wada nool, waxay u baahan yihiin hab dhaqan sharciyeed oo habeeya noloshooda si ay u hiigsadaan himilooyinkooda, si loo ilaaliyo inaan qofna qofka kale ku xadgudbin, waxaa jira xoogag habeeya nolosha Insaanka, oo ka siman ilaalinta wixii bannaan in la sameeyo, iyo xaraantinimeynta wixii xun oo aan wanaagsaneyn in la sameeyo. Kala soocidda waxa fiican iyo waxa xun, waxay sugayaan xasilloonida bulshada, iyo nabad kuwada nolaashaha.
Sharciga wuxuu u kala baxaa noocyo kala duwan, sida dastuurka dalka looga dhaqmo, iyo shuruucda noocyadiisa kala duwan oo Baarlamaanku ansixiyo kadibna Madaxweynaha Jamhuuriyadda saxiixo, si loo daboolo baahiyaha kala duwan ee loo qabo sharciga, oo guud ahaan marka leysku duubo isugu biyo shubta system ama habdhaqan sharci (legal system).

Bulsho kasta oo meel wada deggan haddii uusan jirin habdhaqan sharci oo habeeya ama haga wada nolaashahooda, waxay gelayaan xaalad fowdo ah, wada noolaashaha dadka, iyo horumarka dalkana aad iyo aad ayey u adkaanayaan. Ummad kasta oo meel deggan markii ay sameystaan sharciyo waxay noqonayaan dad leh habdhaqan haga xiriirkooda bulsho, siyaasad iyo dhaqaale. Waxaa laga hadli karaa Dawlad marka la helo dad, dhul iyo habdhaqan sharciyadeed oo wada socda.

Dadka Soomaaliyeed waa dad Taariikh ahaan dhaqan iyo xeerar wanaagsan leh, inta aysan soo gaarin Diinteena Suuban Islaamka taasoo iyana sii xoojisay dhaqanka wanaagsan ee dadkeena, waana bulsho ku adag ku dhaqanka sharciga diininga ah iyo xeerarka hoose aanan ku horimaaneynin Diinta Islaamka.

Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa bud dhig u ah shareecada Islaamka, waana waxba kama jiraan xeer kasta oo ku hor imaanaya Diinteena suuban ee Islmaaka sida ku cad Dastuurka dalka, iyadoo xeer kasta la waafajinayo kan Dastuurka dalka oo isna adkeeyey Diinteena Suuban ee Islmaaka.

Hadaan u soo daadago dulucda Warbixintan ayaa ah muhiimadda 11-ka sharci ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud saxiixay dhawaan ee uu Baarlamanka dalku meelmariyay, kuwaas mid kasta bulshada dhan wanaagsan ka kaabaya oo waxtar wayn u leh dalka iyo dadka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku saxiixay sharciyada ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka ee kala ah:

1 .Sharciga La-dagaallanka Argagixisada.

2. Sharciga Dhismaha Hayโ€™adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed

3 .Sharciga Socdaalka

4. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha

5. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis,

6. Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha,

7. Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

8. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidaan oo kale u saxiixay Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) iyo Sharciga Korontada Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golayaasha kala duwan ee dowladda iyo khubarada Soomaaliyeed ee soo diyaariyey shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hayโ€™adaha dowladda.

Shuruucdan 11-ka ah ee mid kasta muhiimaddiisa gaarka leh ayaa dadka u dhuun doloola xaalka guud ee dalka aaminsan in dhamaan sharciyadan ku soo aadeen waqti baahi wayn bulshada Soomaaliyeed u qabtay, waxayna ku sifeeyeen kuwa bulshada mid Diin ahaan, Dhaqanka, dhaqaale iyo Siyaasadba kaabaya maadaama midkasta uu la xiriira sal u dhigidda hanaanka nolol ee dadkeena iyo dalkeena.

Aqoonyahanno badan ayaa ku baaqaya in bulshada si wanaagsan loo gaarsiiyo sharciyada la meelmariyay oo buugaag iyo majalado suuqyada laga heli karo laga dhigo, maadaama iyagu yihiin kuwa loogu aadeegayo, taaso sahleysa in dadka ku dhaqmaan ixtiraamaana sharci kasta, sidoo kale dadka ajaaniibta uga akhristaan si ayaguna wax uga oogaadan sharciyada dalka.

Marka la iskuu duubo hanaanka hadda dowladda Soomaaliyeed dalka ku hageyso, waxaa muuqato Soomaali cusub oo taariikh dhif iyo naadir ah sameynayso, duninada u direyso fariin ka duwan tii hore ee aheyd dowlad is haysta oo horay u socon, taasoo hadda u muuqata mid golayaasha kala duwan ee dowladda ka dhaxeeya hanaan shaqo oo ku dhisan Isla-xisaabtan adag.

Ugu dambeyn dowlad jirta wax ka yar hal sano meelmarisayna shuruucdan 11-ka ah ee aan kor ku xusnay oo dhamaan muhiimka u ah dowlad dhiska dalka ayaa laga filan karaa wax ku cusub taariikhda dhibka lahayd ee dalkeennu ku jiray wax ka badan sodon-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana looga fadhiyaa fulinta ku dhaqanka sharciyada aanan dhaafsiisneyn buugaagta loona badalo ku dhaqan oo halbeeg adag u noqda dowladnimada Soomaaliyeed.

SONNA

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid goโ€™aankii xadgudubka ahaa ee Israaโ€™iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO MAANTA KA FURMAY MUQDISHO

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada oo…

GudahaWararka
May 14, 2024

Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay kadib safar uu ku tagay Cummaan

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay,kadib safar…

Wararka
January 14, 2020

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga XFS oo la kulmay Wasiirada Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Itoobiya

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi oo qeyb ka ahaa wafdigii…

GudahaWararka
February 19, 2023

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta oo ku dhawaaqay in Xujeydii ugu horaysa maanta dalka ka dhoofayaan

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali {Abuu-Mansuur} ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah uu maanta…

GudahaWararka
June 3, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023