calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Booliiska Samo-mareeb oo gacanta ku dhigay nin fal dhaawac ah gaystay

Booliiska Samo-mareeb oo gacanta ku dhigay nin fal dhaawac ah gaystay
Booliiska Samo-mareeb oo gacanta ku dhigay nin fal dhaawac ah gaystay — SONNA
Samo-mareeb (SONNA}- Taliska Ciidanka Booliska Magaalada Samo-mareeb ayaa faah faahin ka bixiyay fal dhaawac oo xalay gudaha Magaaladaas loogu geystay nin shacab ah kana mid ah dadka muruq maalka ah ee ku nool magaalada. Taliyaha Booliska Samo-mareeb Nuur Cilmi Maxamed ayaa sheegay in nin ku hubeysan tooreey uu fal dhaawac ah u geystay qof lagu magacaabo Maxamed Saciid Xaashi oo muruq maal ah, kadib markii muran la xiriira lacag uu soo kala dhex-galay. Taliye Nuur Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in markii hore uu baxsaday ninka dhaawaca gaystay, hase yeeshee ciidanka amniga howlgal ay sameeyeen lagu soo qabtay ninkaas.
La wadaag