Gudaha
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Muqdisho(SONNA):-Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ka mid noqday saraakiil ka qalinjabisay Akadeemiyadda Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Ruushka, iyagoo qaatay shahaadada Master Degree.
Saraakiishan ayaa si gaar ah uga qalinjabisay Maamulka Guud iyo Qorshaynta Istaraatiijiga ah, taasoo ka dhigan guul cilmiyeed oo weyn.
Qalin-jebintani waa mid taariikhi ah, maadaama ay tahay tii ugu horreysay muddo 40 sano ah oo saraakiil Soomaaliyeed ka soo qalinjebiyaan Ruushka.


La wadaag



