calendar_todaydevice_thermostatโ€ฆ
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

๐‘๐š,๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐„๐ฅ ๐๐ข๐งฬƒ๐จ

๐‘๐š,๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐—๐…๐’  ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐„๐ฅ ๐๐ข๐งฬƒ๐จ
๐‘๐š,๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐„๐ฅ ๐๐ข๐งฬƒ๐จ โ€” SONNA

Muqdisho-(SONNA)-Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo diiradda lagu saaray u-diyaargarowga El Niรฑo 2026โ€“2027 iyo xoojinta isku-duwid ay Dowladda u dhantahay.

Kulanka waxaa lagu soo bandhigay Qorshaha Qaran ee U-diyaargarowga El Niรฑo 2026โ€“2027, oo ah qorshe mideynaya dadaallada iyo masuuliyadaha hayโ€™adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada iyo dowladaha hoose, si loo xaqiijiyo diyaar-garow isku-duwan oo ay asaas u tahay saadaasha iyo digniinta.

Qorshaha Qaran ee U-diyaargarowga El Niรฑo ayaa maanta la ansixiyay, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan hayโ€™adaha ay si wadajir ah uga shaqeeyaan diyaar-garowga, tallaabooyinka horudhaca ah, ka jawaabida iyo soo-kabashada.

Qorshahan ayaa xoojinaya Isku-duwid ay dowladda u dhantahay, nidaamyada digniinta hore iyo la socodka khataraha, iyo Ilaalinta dadka, xoolaha, beeraha, biyaha iyo kaabeyaasha muhiimka ah.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku adkeeyay dhammaan hawl-wadeennada in awaamiirtan si hufan oo degdeg ah loo fuliyo, si loo xaqiijiyo isku-duwidda shaqada, isla-xisaabtanka iyo dardargelinta natiijooyinka la filayo.

La wadaag