calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Koofur Galbeed oo walaac ka muujisay khataraha ka dhalan kara El-Nino

Koofur Galbeed oo walaac ka muujisay khataraha ka dhalan kara El-Nino
Koofur Galbeed oo walaac ka muujisay khataraha ka dhalan kara El-Nino — SONNA

Baydhabo-(SONNA)-Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdinasiir Cabdi Caruush, oo ka hadlay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2026), ayaa sheegay in deegaanno badan oo ka tirsan Koonfur Galbeed ay ka mid yihiin meelaha ugu nugul fatahaadaha.

Wasiirka ayaa xusay in kumannaan qoys oo barakacayaal ah ay ku nool yihiin magaalooyinka iyo tuulooyinka Koonfur Galbeed, kuwaas oo horey u saameeyeen abaaraha iyo colaadaha ka jiray deegaannadaas.

Waxa uu ku baaqay in mudnaanta la siiyo deegaannada laga filayo khataraha ugu badan, lana xoojiyo diyaar-garowga iyo tallaabooyinka hore, si loo badbaadiyo nolosha bulshada loona yareeyo saameynta fatahaadaha.

La wadaag