Wararka
Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray xaaladaha ka dhalan kara Super El-Nino

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shir guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen guddiga heer gobol ee gurmadka iyo ka jawaabista daadadka deyrta iyo xaaladaha ka dhalan kara Super El-Nino, iyadoo shirka lagu soo bandhiggay waxqabadyada horu-dhaca ah ee uu sameeyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Diyaar-garowga ku aadan la tacaalida qataraha la saadaaliyay.
Shirka ayaa sidoo kale loogu hadlay ukuur-gelida goobaha u nugul in ay xaaladaha ka dhici karaan iyo diyaarinta goobo keyd ah, iyadoo guddiga uu qaadi doonno mas’uuliyadda ku aadan diyaarinta agabyada muhiimka ah ee loo adeegsado badbaadinta bulshada, diyaarinta goobo loogu tala-galay bulshada, howlgelinta bahda caafimaadka, xiriirinta hay’addaha qaran iyo kuwa kale ee aan loogu maarmin iskaashiga iyo maareynta xaaladaha la saadaaliyay si isku tashi bulsho loogu diyaar-garowo badbaadinta nafta iyo maalka bulshada.
Madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Madaxda Midowga Bangiyada gaarka loo leeyahay, Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Bulshada Rayidka iyo Shirkadaha ka shaqeeya Dhismaha, Korontada iyo Nadaafadda oo guddigga heer Gobol qeyb ka ah ayaa boogaadiyay dadaalada Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aadan horumarka iyo dib-u-dhiska Caasimadda iyo sida ay ugu go’an tahay wax-ka-qabashada xaaladaha deg-degga ah si loo bad-baadiyo bulshada, iyagoona qiray in ay kaalintooda qaadan doonnaan si loogu diyaar garowo Super El-Nino.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in la diyaariyay xarunta xiriirinta howlaha gurmadka oo noqoneysa xafiiska laga hago isla markaana lagu wadaago saadaasha xogta qataraha, asigoona qeybaha kala duwan ee bulshada sida culumada iyo dadka eebe wax siiyay ugu baaqay in ay doorkooda qaataan, isla markaana bulshada ay u dhaga-nuglaadaan fariimaha digniinta iyo wacyigelinta si ka hortaga loo xoojiyo.



