calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka qeyb galay munaasabadda xuska sannad-guurada 77-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka qeyb galay munaasabadda xuska sannad-guurada 77-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka qeyb galay munaasabadda xuska sannad-guurada 77-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha — SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay sannad-guurada 77-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, taas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhexeeyo xiriir taariikhi ah oo soo jireen ah, kaas oo ku dhisan ixtiraam, sinnaan iyo danaha labada dal. Waxa uu xusay in xiriirka labada dal uu sannadkii 2024 u gudbay heer cusub oo ah iskaashi istiraatiiji ah.

Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Shiinaha ee ku aaddan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo sidoo kale dadaallada lagu xoojinayo nabadda, amniga iyo horumarka dalka.

Waxa uu tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay rajo ka qabto in iskaashiga labada dal uu sii horumaro, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga, horumarinta dhaqaalaha, kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga badda iyo xiriirka labada shacab.

Wasiirka ayaa sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya dadaallada uu ku bixinayo xoojinta xiriirka labada dal iyo labada shacab.

La wadaag