Gudaha
Ra'iisul wasaare Xamsa: Ardayda Soomaaliyeed ee maanta qalanjabisay waxa ay xaqiijiyeen yool muhiim

Muqdisho,(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen arday Soomaaliyeed oo Jaamacadda Simad ka dhammaystay Daraasaadka Sare, ayaa kula dardaarmay inay dalka iyo dadka uga faa’iideeyaan aqoonta ay barteen.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ugu horreyn hambalyo u diray maamulka iyo ardayda Jaamacadda Simad, dadaalkii dheeraa ee ay u dhabar-adeygeen si ay u gaaraan heerkan ay maanta joogaan, isaga oo ku amaanay doorka ay ka qaadanayaan casriyeenta waxbarashada sare ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Jaamacadda Simad ay qeyb lixaad leh ka qaadatay hirgelinta manhajka waxabarashada, cilmi baarisyada wax-tarka u leh bulshada iyo soo-saarist arday ku hubeysan xirfad iyo aqoon tayo sare leh.
“Maanta waxa idiin furmay albaab cusub oo aqoonneed, haddii waxa aad soo barateen iyo marka aad albaabkaas gashaan is-khilaafaan waa dhibaato weyn, haddii ay waxbarashadu qofka beddeli waydo, oo sidiisii iska ahaado, wixii uu samayn jiray wali sii samayanayo waxbarashadaasi qofka ma dagin”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Mudane Xamsa, ayaa xusay in Ardayda maanta qalin-jabinasa ay xaqiijiyeen hadaf weyn oo ay lahaayeen taasina ay ku timid samirka ardayda, dulqaadka waalidka iyo dadaalka macallimiinta wax-soo-baray.





















