Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA Mudane Cabdullahi Maxamed Cali ( Sanbaloolshe) iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda Sirdoonka ayaa booqday dhawaacyada askar ka tirsan ciidamada qaranka iyo geesiyadda macawisleyda oo ku jira isbitaallada magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Mudane Cabdullahi Maxamed Cali ( Sanbaloolshe) ayaa mid mid u booqday bukannada isagoo Alle uga barayay inuu caafimaad deg deg ah uu siiyo geesiyaddan ku soo dhaawacmay dagaalka ka dhan ah khawaarijta.
Agaasimaha hay’adda NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa ciidamada deegaanka iyo kuwa Qaranka ee dhaawacyadu soo gaareen u balan qaaday in dowladda Soomaaliya garab taagan tahay islamarkana qofkii xaaladiisa wax looga qaban waayo dalka loo qaadi doono dalka dibadiisa.
khawaarijta ayaa maalmihii u dambeeyey waxa jab xooggan loogi geystay goobihii tirada yaraa ee ay kaga dhuumanayeen gobolada Shabeellaha Dhexe,Hiiraan iyo Mudug iyadoo dhamaan laga sifeeyey goobihii dagaalku ka dhacay khawaarijta.