Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Maaliyadda oo Washington kula kulmay madax ka tirsan Bangiga Adduunka iyo IMF
    October 14, 2025
    Soomaaliya oo diyaarinaysa Xildhibaanadii ku matali lahaa Baarlamanka EAC
    October 14, 2025
    Wasiir dowlaha Gaashaandhigga oo la kulmay danjiraha Midowga Yurub
    October 14, 2025
    Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka sameeyay Shabeellada hoose
    October 14, 2025
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay masiibadii 14-kii Oktoobar
    October 14, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Khadar Mahdi
Last updated: December 27, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya:

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale ka hadley muhimadda dhameystirka dastuurka, guulaha ay dowladda ku tillaabsatey iyo halka uu marayo halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Mudane Nasa Cige oo ahaa La-Taliyaha Madaxweynaha ee xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada.

3- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

4- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daah furay mashruuca adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqada Geeska Afrika qeybtiisa Soomaaliya.

5- Madax ka tirsan golayaasha dowladda federaalka ayaa saxiixay buugga tacsida ee marxuumad Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye

6- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweis Jaamac ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatey Maareeye Ku-Xigeennada Wakaaladda Madbacadda Qaranka.

7- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in howgalladii ugu dambeeyay Khawaarijta looga dilay 130 maleeshiyaad ah, isla markaana laga furtay hub, iyadoo laga burburiyay qalab iyo goobo gabbaad u ahaa Khawaarijta.’

8- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shir looga hadlayey dar-dargelinta hawlaha hortabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir sanadka nagu soo foodda leh ee 2024.

9- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa kulan la qaatay koox farsamo oo ka socotay Xarunta Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada ee Afrika (Africa CDC).

10- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Soomaaliya General Dayax Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in hawlgalada ugu dambeyeeyay ee Koonfurta gobolka Mudug ay dileen 80 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay ka xoreeyeen waqooyiga iyo bariga magaalada Caad.

11- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA oo kaashanaysa maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa 1,500 oo Qoys oo wajahayey nolol adag gargaar ugu qaybisay gudaha Isbitaalka weyn ee magaaladaas.

12- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ku wareejisay shixnad gargaar ah oo dhan 3,800 oo Tan o oo loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ay sameyeen fatahaadaha iyo daadadka El-Niño ee ku soo barakacay Muqdisho iyo deegannada hoostaga.

13- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyinka Saydheelow, Habxirow, Buurta Qod’qode, Calamka, Warta Dollar iyo Weeley, oo hoostaga deegaanka Goof-gaduud Buurey gobolka Bay oo ay kuu dhuumaalaysanayeen maleeshiyaadka khawaarijta ah ee Al Shabaab.

14- Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa soo xiray eedeysane lagu magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullahi kuna eedeysan in uu magaalada Nairobi ku dilay Marxuum Maxamed Xasan.

15- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Iskutagga Imaaraatka Carabta danjire Axmed Jumca Al-Rumeysi.

16- Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay horjooge Macalin Ayman oo ka mid ahaa madaxda Khawaarijta Al Shabab.

17- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgallo culus oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay tuulooyinka Mareereey, Moordiile, Raqayle iyo Caanoole oo ka tirsan Degmada Afgooye.

18- Soomaaliya oo ku guulaysattay Billadda Dhaqanka, Suugaanta iyo Farshaxanka dalalka Geeska Afrika.

19- Xaalad adag oo dhanka nolosha ah ayaa ka taagan degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo oo ka mid ah degmooyinka ay sida ba’an u saameeyeen daadadka xooggan ee ka dhashay El-Nino.
20- Dowladda Britain ayaa Soomaaliya ugu yaboohday kaalmo dhaqaale oo gaareysa $9 Million oo dollar oo lagu biirin doono mashruuca Bangiga Horumarinta Afrika ee lagu taageerayo Hay’adda Masiibooyinka Qaranka ee SODMA.

21- Laamaha amniga iyo Bulshada degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaguud ayaa yeeshay kulan looga hadlayay ilaalinta nabadgalyada.

22- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa Magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Ansixinta qorshaha istiraatiijiyadda shanta sano ee soo socota ee hay’adda SODMA (2024-2029).

23- Cabdirashiid Maxamed Cabdi oo Khawaarijta dhexdeeda looga yaqaanay “Indhacadde” ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga, gaar ahaan Guutada 14-ka October ee ku sugan deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Maaliyadda oo Washington kula kulmay madax ka tirsan Bangiga Adduunka iyo IMF

Washington (SONNA): Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo wafdi uu hoggaaminayo…

October 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

MW JFS oo shirguddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed

Xudur,(SONNA);- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed, iyadoo ay wehelinayaan Guddoomiyaha…

GudahaWararka
October 19, 2023

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal mudane Maxamed Xasan Maxamed ayaa kulan la qaatay danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz.…

Wararka
December 16, 2020

Guddiyada Maaliyadda Labada Gole ee BJFS oo la kulmay Hanti-dhowraha iyo Xisaabiyaha Guud

Muqdisho (SONNA) - Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la yeeshay…

Wararka
August 29, 2024

Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Koonfur Galbeed oo shaaciyay iiska guddiga xulista ergada Doorashada 13 Kursi oo Baraawe ka dhici doonta

SONNA (MUQDISHO)- Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Maamul-goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay liiska guddiga xulista ergada Doorashada 13 Kursi oo…

GudahaWararka
February 5, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023