Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaariijta arxanka daran keliya dhibaato kuma hayaan shacabka Soomaaliyeed ,sidoo kale ficiladooda gurracan kuma eka dil,dhac,qarxin iyo barakicin ee sidoo kale waxa garab socda dhibaato baahsan oo ay ku hayaan deegaanka.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadija Maxmed Al-Makhzumi ayaa shaacisay in Khawaarijta Al-Shabaab ay Mustaqbal laโaan dhigayaan Jiilalka soo socda.
Wasiir Khadiija ayaa tiri โ15kii sano ee la soo dhaafay khawaarijtu waxay Jaridda Malaayiin Geed oo ay dhuxul u bedeleen kadibna u dhoofiyeen dalka dibaddiisa, si ay ugu maalgeliyaan dagaallada iyo qaraxyada ay ku laayaan shacabka, tallaabadan wuxuushnimada ah waxay lama degaan u rogtay dhul ballaaran oo markii hore keymo, Dhul-daaqsin iyo
dhul-beereed ahaa, lafdhabarna u ahaa wax soo saar dalkaโ ayey tiri Wasiir khadiija.
Dhibaatooyinka ay deegaanka ku hayaan waxa ka mid ah in ay ay jareen dhirtii kaymaha ahayd ka dibna gubeen iyagoo u isticmaalay dhuxulaysi sharci darro ah,sidoo kale waxay dhirta u isticmaalaan in ay gooyaan kana samaystaan hoy ay deegaan,mararka qaarna waxay ka samaystaan gabood ay kaga dhuuntaan hawlgalada qorshaysan ee ay fuliyaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.
Haddaba wax ka ogow dhibaatooyinka ay sababto dhirta oo la jaro dhanka isbeddelka Cimiladda iyo mida deegaanka.
Dhirta oo la jaro waxa ka dhasha heerkulka oo siyaada sababtoo ah Waxaa la og yahay in xaalufinta dhirta ay keento sii deynta carbon dioxide, taas oo sare u qaadaysa heerkulka adduunka oo dhan,Saynis yahanadu waxay sharxayaan in kaymaha ay ka tarjumaan iftiinka qoraxda iyo uumi-baxa weyn (luminta biyaha ee dhirta ilaa jawiga) marka loo eego dhirta furan, ilaalinta jawiga cimilada fudud. Markaa, xaalufintu waxay si toos ah u saamaysaa heerkulka dhulka deegaanka,dhibaatooyinka ay sababto xaallufinta ama dhirta oo la jaro ayaa waxa ugu waaweyn Cimilada oo kululaata,deegaanada oo ay ka dhacaan abaaro baahsan iyo fadahaado saameeya isu socodka bulshadda gobolada dalka ama xuduudaha tan oo sababta inuu dumo dhaqaalaha isu socda ama u kala gudba deegaano kala duwan iyo dowladdaha dariska ah.
Jarista dhirta ayaa sidoo kale waxay keentaa saamayn caafimaad oo ka dhalata isbeddelka cimilada taas oo mararka qaar sababta xanuuno daran oo la soo gudboonaada bulshada,sidoo kale jarista dhirta ayaa sababta inu uu yaraado Dalxiiska maxaa yeelay haddii meelaha cagaaran iyo meelaha ugu quruxda badan la waayo, waxaa iska cad in dalxiisayaasha imaanaya deegaanka ama dalku hoos u dhacayso tan oo iyana waxyeelo weyn u geysata dhaqaalaha dalka iyo midka deegaanka.
Faa’iidooyinka dhirta.
Dhirtu waxa ay nadiifisaa hawada aan neefsanno, iyada oo CO2 ka nuugta hawada, siidaysana O2 ay nooluhu u baahanyihiin
sidoo kale dhirtu waxa ay nadiifisaa biyaha aan cabno.
Waxa daaq ka hela xoolaha aynu dhaqanno kuwaasoo lafdhabar u ah dhaqaalaha dalka Soomaaliya.
Dhirtu waxa ay hooy u tahay duurjoogta dalka kunool.
Dhirtu waxa ay dhulka ka ilaalisaa nabaadguurka.
Dhirta waxa laga sameeyaa daawooyin,waxaana dhaqaale ka hela dadka ka ganacsada xabkaha iyo faleenka.
waxa jira xadiisyo dhowr ah oo ka hadlaya arrinkan, in qof kasta oo dhulka wax ku beera ama ku talaala in uu ilaahay ka ajar siinayo.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka soo saarey bayaan (2036) oo soo baxey sanadkii 2012, kaa soo lagu mamnuucayey dhuxul laga dhoofiyo Soomaaliya,sidoo kale dowladda Soomaliya ayaa ku guulaystay in ay dabar jarto dalkana aan laga dhoofin wax dhuxul ah tan oo natuuro u ah dalka iyo deegaanka soomaaliyeed oo khawaariijtu baday dhibaatooyin daran.