Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Khawaariijta iyo dhibaatooyinka ay ku hayaan deegaanka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaariijta iyo dhibaatooyinka ay ku hayaan deegaanka
MaqaalladaWararka

Khawaariijta iyo dhibaatooyinka ay ku hayaan deegaanka

By SB
Last updated: January 28, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaariijta arxanka daran keliya dhibaato kuma hayaan shacabka Soomaaliyeed ,sidoo kale ficiladooda gurracan kuma eka dil,dhac,qarxin iyo barakicin ee sidoo kale waxa garab socda dhibaato baahsan oo ay ku hayaan deegaanka.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadija Maxmed Al-Makhzumi ayaa shaacisay in Khawaarijta Al-Shabaab ay Mustaqbal la’aan dhigayaan Jiilalka soo socda.

Wasiir Khadiija ayaa tiri “15kii sano ee la soo dhaafay khawaarijtu waxay Jaridda Malaayiin Geed oo ay dhuxul u bedeleen kadibna u dhoofiyeen dalka dibaddiisa, si ay ugu maalgeliyaan dagaallada iyo qaraxyada ay ku laayaan shacabka, tallaabadan wuxuushnimada ah waxay lama degaan u rogtay dhul ballaaran oo markii hore keymo, Dhul-daaqsin iyo
dhul-beereed ahaa, lafdhabarna u ahaa wax soo saar dalka” ayey tiri Wasiir khadiija.

Dhibaatooyinka ay deegaanka ku hayaan waxa ka mid ah in ay ay jareen dhirtii kaymaha ahayd ka dibna gubeen iyagoo u isticmaalay dhuxulaysi sharci darro ah,sidoo kale waxay dhirta u isticmaalaan in ay gooyaan kana samaystaan hoy ay deegaan,mararka qaarna waxay ka samaystaan gabood ay kaga dhuuntaan hawlgalada qorshaysan ee ay fuliyaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Haddaba wax ka ogow dhibaatooyinka ay sababto dhirta oo la jaro dhanka isbeddelka Cimiladda iyo mida deegaanka.

Dhirta oo la jaro waxa ka dhasha heerkulka oo siyaada sababtoo ah Waxaa la og yahay in xaalufinta dhirta ay keento sii deynta carbon dioxide, taas oo sare u qaadaysa heerkulka adduunka oo dhan,Saynis yahanadu waxay sharxayaan in kaymaha ay ka tarjumaan iftiinka qoraxda iyo uumi-baxa weyn (luminta biyaha ee dhirta ilaa jawiga) marka loo eego dhirta furan, ilaalinta jawiga cimilada fudud. Markaa, xaalufintu waxay si toos ah u saamaysaa heerkulka dhulka deegaanka,dhibaatooyinka ay sababto xaallufinta ama dhirta oo la jaro ayaa waxa ugu waaweyn Cimilada oo kululaata,deegaanada oo ay ka dhacaan abaaro baahsan iyo fadahaado saameeya isu socodka bulshadda gobolada dalka ama xuduudaha tan oo sababta inuu dumo dhaqaalaha isu socda ama u kala gudba deegaano kala duwan iyo dowladdaha dariska ah.

Jarista dhirta ayaa sidoo kale waxay keentaa saamayn caafimaad oo ka dhalata isbeddelka cimilada taas oo mararka qaar sababta xanuuno daran oo la soo gudboonaada bulshada,sidoo kale jarista dhirta ayaa sababta inu uu yaraado Dalxiiska maxaa yeelay haddii meelaha cagaaran iyo meelaha ugu quruxda badan la waayo, waxaa iska cad in dalxiisayaasha imaanaya deegaanka ama dalku hoos u dhacayso tan oo iyana waxyeelo weyn u geysata dhaqaalaha dalka iyo midka deegaanka.

Faa’iidooyinka dhirta.

Dhirtu waxa ay nadiifisaa hawada aan neefsanno, iyada oo CO2 ka nuugta hawada, siidaysana O2 ay nooluhu u baahanyihiin
sidoo kale dhirtu waxa ay nadiifisaa biyaha aan cabno.

Waxa daaq ka hela xoolaha aynu dhaqanno kuwaasoo lafdhabar u ah dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Dhirtu waxa ay hooy u tahay duurjoogta dalka kunool.

Dhirtu waxa ay dhulka ka ilaalisaa nabaadguurka.

Dhirta waxa laga sameeyaa daawooyin,waxaana dhaqaale ka hela dadka ka ganacsada xabkaha iyo faleenka.

waxa jira xadiisyo dhowr ah oo ka hadlaya arrinkan, in qof kasta oo dhulka wax ku beera ama ku talaala in uu ilaahay ka ajar siinayo.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka soo saarey bayaan (2036) oo soo baxey sanadkii 2012, kaa soo lagu mamnuucayey dhuxul laga dhoofiyo Soomaaliya,sidoo kale dowladda Soomaliya ayaa ku guulaystay in ay dabar jarto dalkana aan laga dhoofin wax dhuxul ah tan oo natuuro u ah dalka iyo deegaanka soomaaliyeed oo khawaariijtu baday dhibaatooyin daran.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho.SONNA....1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey fadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxaana uu diiradda…

Gudaha
September 26, 2025

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray fariisimada Ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin ee magaalada Beledweyne

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeeray fariisimada Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin ee magaalada Beledweyne…

GudahaWararka
January 4, 2026

Wasiirka Warfaafinta oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Cumar Carte Qaalib

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa uga tacsiyadeeyay Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid…

GudahaWararka
November 18, 2020

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay madax ka tirsan dowladda Mareykanka 

New York (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada New York…

GudahaWararka
September 23, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023