Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka (warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka (warbixin)
GudahaMaqaallada

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka (warbixin)

By Kulane
Last updated: March 8, 2023
5 Min Read
Share

Soomaaliya iyo dalalka kale ee dunida ayaa maanta u dabbaaldegay xuska munaasabaddaย 8-dda Maarso oo ah maalin weyn oo xambaarsan dadaalkii loo soo galay dhismaha ururkaasi iyo kaalintii ay ka qaateen ka qeybgalka arrimaha bulshada ,dhaqaalaha ,siyaasadda iyo guud ahaan ย horumarada xoogan ee ka jiray dunida.

Waxaa xusid mudan in aan ogaanno kaalin nuucee ah ayeey haweenku ka qaateen dhaqdhaqaaqyadii iyo halgankii kale ee loo galay raadintaย 8-dda Maarso?.

Dadaalkii ugu horeeyay ee loo galay raadinta sinnaanta shaqada , xuquuqda taranka , ilaalinta badqabka dumarka iyo guud ahaan helidda maalin u gaar ah haweenka,waxa uu soo ifbaxay dhaamaadkii qarnigiii 18-aad iyo horaantii qarnigii 19-aad,xilligaasi oo ay bilowdeen kacdoonadii shaqaalaha ee ka curtay Mareykanka iyo Yurub .

Dhowr arrimood ayaa sabab u ahaaย aasaaskii maalinta haweenka,waxaana ka mid ahaa:-

1-halgankaย  xoogagga shaqeeya ee haweenka ayย  kaga qeybgaleen kacdoonadii shaqaalaha ee looga horjeeday milkilayaasha warshadaha iyo beeraha.

2-dhismaha ururadii shaqaalaha iyo raadinta maalin iyo xuquuq u gaar ah haweenka.

Hirgainta arrimahaasi, waxa ayย mideeyeen dumarkii ku noolaa wadamada Yurub , Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeeti ,waxaana sanadihii u dhaxeeyayย  1907-1917-kii dhacay bannaanbaxyo si gaar ah loogu raadinaayey xuquuq iyo maalin ay leeyihiin haweenka.

Si loo xaqiijiyo hadafka, muhiimadda iyo xaqa ay haweenku u leeyihiin in la siiyo maalin u gaar ah,aawadeed,waxaa sanadkii 1975-tii, golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ay ku dhawaaqeen in 8-da Maarso loo asteeyay xuska maalinta haweenka aduunka.

Haddaba,dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamada maanta u dabbaaldegay munaasabadda maalinta caalamigaย  ah ee 8-dda Maarso oo ah xus taariikhi ah oo lagu muujiyo waxqabadkii haweenka iyo doorkii shariiifka ahaa ee ay ku lahaayeen xoriyadda dalka iyo horumarkiisa.

Waxaa xaqiiqo ah in qeybaha haweenka ee dalka Soomaaliyeed ay kaalin wax ku ool ah ka qaateen ama ka ciyaareen dhaqdhaqaaqyadii xoriyad doonka ee ay hoggaaminaayeen ururkii SYL,kuwaas oo naf iyo maalba ku bixiyay halgankii xaq u dirirka ee lagu helay gobanimada anta.

Sidoo kale,haweenku, waxay door muhiim ah ku lahaayeen ย wax soo saarka beeraha,warshadaha, dhismahii ururadii bulshada ee dalka,gaar ahaan ururkii shaqaalaha ee gudaha dalka ka curtay dagaalkii labaad ka dib iyo guud ahaan ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed ee dalka ka hanaqaaday xilliyadii la soo dhaafay.

Inkastoo, ย Xilligii Xoriyadda ay aad u yaraayeen ย dumarka wax bartay ,haddana, dowladdi rayidka ee talada dalka la wareegtay 1960-kii,waxa ย ay ku ย guuleysatay in loo siman yahay raadinta xirfadaha shaqo, waxbarashada iyo xuquuqaha kale ee bulshada,waxaana waqtigaasi iyo sanadihii ka dambrryay so baxay dumar leh aqoon iyo xirfado kala duwan oo wax ku kordhiyay horumarka dalka.

Dhinaca kale dowladdii kacaanka ee ay hoggaaminaayeen mileteriga Soomaaliya,iyadoo aaminsan nidaamka hantiwadaagga ,waxa ay haweenka u aqoobsadeen udub-dhexaadka bulshada ee lagama maarmaanka u ah habka dhaqan dhaqaale ee dunidaan casriga ah.

Haweenka Soomaaliyeed,waxaa lagu tiriyaa in ay yihiin kuwa ugu badan xoogagga shaqeeya,waxayna 30-kii sano ee u dambeeyay ay u howlgaleen badbaadinta ย iyo go’aan ka gaarista qorshaha qoyska ,kan guriga , ilaalinta caafimaadka carruurta, hannaanka dakhli-abuurย  iyo horumarinta hab-nololeedka guud.

Waloow ay jiraan caqabado iyo dhibaatooyin u gaar ah haweenka,haddaana,daraasad ama cilmi baars caalami ah oo la sameeyay ayaa muujineysa in fursadaha shaqo ee ay helaan dumarku ay weli yihiin kuwo ka hooseeya fursadaha shaqo ee ay helaan ย ragga,

Maanta tirada ugu badan Xoogaggaย shaqeeya dunida, boqolkiiba 45.4 waa haween, waana kuwo ka dambeeya isbadal kasta oo loo qaado dhanka horumarka,sidaa daraadeed,waxaa waajib ah in xil la iska saaro kor u qaadidda xirfadaha aqooneed ee haweenka .

Xuska maalinta caalamiga ah ee 8-maarso ee sanadkaan ayaa dhacaya,xili haweenka Soomaaliyeed y wadaan olole loogu magac daray ka soo saara guryaha garanwaaga ah,kaas oo loola jeedo kooxaha khawaarijta ee ku dhexdhuumaleysanayย  bulshada.

Ololahaan oo socda muddo 8 cisho ah,waxa uu ka dhaqangalay Gobolka Banaadir iyo kuwa kale ee dalka,si taageero loogu helo barnaamijkaasi oo uu hindisihiisa lahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Gabagabadii ,waxaan halkaan dhambaal hambalyo ah uga direynaa Ururada Haweenka Caalamiga ah ee Dunida,kuwaas ย oo maanta u dabaaldegay xuska munaasabadda 8-dda Maarso,waxaanna u rajeyneynaa horumar iyo barwaaqo.

SONNA

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidan ka tirsan Daraawiishta Koofur Galbeed oo tababar loogu soo xiray Baydhabo

Baydhabo (SONNA): Raโ€™iisul Wasaare kuxigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalam Cabdi Cali oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka…

GudahaWararka
March 5, 2025

Wasiir Dowlaha Arrimaha dibedda XFS oo la kulmay xoghayaha guud ee aagga ganacsiga Xorta ah ee Midowga Africa

Addis Ababa(SONNA):-Wasiiru Dawlaha ahna sii hayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS oo la kulmey xoghayaha guud ee aagga ganacsiga Xorta…

GudahaWararka
February 17, 2024

Howlgallo lagu burburiyay khawaarijta oo ka dhacay degmada Aadan Yabaal

Muqdisho(SONNA (:-Howlgallo culus oo ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal, gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa lagu burburiyay labo xarumood…

GudahaWararka
June 22, 2025

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Danab

Muqdisho-(SONNA)-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta gaaray Saldhigga Ballidoogle, isaga oo tababar usoo xiray ciidamo ka…

GudahaWararka
February 8, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023