1-da Luulyo maalinta xoriyadda iyo israaca 2-da gobol (warbixin)

La wadaag cid kale

Dadka Soomaaliyeed ,waxa ay ka mid yihiin umadaha caalamka ee halganka dheer u galay raadinta sidii looga hoos bixi lahaa gumeysiga shisheeye,isla markaana  loo gaari lahaa xoriyad, midnimo iyo dhismaha qaran Soomaaliyeed oo wax la qeybsada dunida.

Haddaba,1-da Luullyo waa maalin qaran oo loo dabbaaldego xoriyadda gobolada koonfureed iyo israaca labada gobol ee woqooyi iyo koonfur,waana calaamad ama astaan muujineysa in dib loo soo ceshaday madaxbannaanida dhaqdhaqaaqyadii nololeed iyo horumaradii kale ee ay hakiyeen qeybihii gumeysiga ee qabsaday dalka.

Taariikhda halgankii Soomaaliya

1-Wajigii koowaad

Sanadkii 1507-1543-dii waa markii ugu horeysay ee dagaal gumeysi diid ah oo uu horsed ka ahaa halgame Axmed Garaad Ibraahim “Axmed Gurey uu ka bilowday Geeska Afrika,gaar ahaan deegaanada dhaca dhulka howda ee ay degaan dadka ku hadla Afka Soomaaliga,waxaana dagaaladaasi oo socday muddo sanado ah  ay sababeen in la joojiyo isballaarintii ay damacsanaayeen boqortooyadii Abasiiniya ee carigga Itoobiya.

2-Wajigii labaad

Sanadkii 1884-tii ,gumeysiga reer Yurub ayaa bilaabay xeelado cusub oo lagu qeybsanaayo dalalka Afrika,gaar ahaan geeska Afrika, ,taasina waxay dhalisay in dadka Soomaaliyeed ay ku baraarugaan  quwadaha shisheeye ee dalka u yimid in ay ka fuliyaan dano gaar ah,iyagoo oo  adeegsanaya qaab gumeysi casri ah.

2-Wajigii sadexaad

Horaantii qarnigii 19-aad Waxaa mar kale gudaha dalka Soomaaliya,gaar ahaan goboladii woqooyi ee uu mamulkeeda haayey Ingiriiska ka bilowday dagaallo iyo dhaqdhaqaaqyo lagu diidanaa gumeysiga,kaas oo socday 20-sano,waxaana  horsed ka ahaa ciidamadii Daraawiishta ee uu hoggaaminaayey Sayid Maxamed C/lle Xasan iyo qaar ka mid ah hoggaamiyaasha bulshada ee gobolada woqooyi.

Sidoo kale Gobolada Koonfureed,waxaa iyana xilligaasi ka jiray dagaallo lala galay Talyaaniga oo ka dhacay deegaano badan sida,Lafoole ,Marka iyo Muqdisho, waxaana dagaaladaasi ay noqdeen dhaqdhaqyo bilow u ah sidii la isaga tuuri lahaa heeryaddii gumeysiga .

3-Wajigii afaraad

  1941-1949-kii, waxaa gudaha dalka Soomaaliya,si rasmi ah uga bilowday dhaqdhaqaaqyo xornimo raadin ah oo looga horjeeday gumeysiga Ingiriiska oo xilligaasi gacanta ku haayey maamulka labada gobol ee woqooyi iyo koonfurta dalka,ka dib markii Talyaaniga looga adkaaday dagaalkii labaad ee dunida.

Dhaqdhaqaaqyadaasi siyaasadeed ee gobanimo doonka ah waxaa sanadkii 1943-dii bilabay urur la magic baxay Naadiga Dhallinyaro Soomaaliyeed,kaas oo sanadkii 1947-dii qaatay magaca Ururka SYL,wuxuuna awood u yeeshay in muddo kooban uu afkaarta la xiriirta raadinta xornimada ku baaahiyo  guud ahaa gobolada dalka iyo deegaanada kale ee ay dagaan dadka Soomaalida,sida  Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti

Dhinaca kale,,Ururkii SNL ee gobolada woqooyi,odayaal iyo waxgarad ka tirsan ururkaasi,ayaa u howlgalay raadinta midnimo Soomaaliyeed oo aaan ku xirneyn wax shuruud ah,waxayna sanadihii u dhaxeeyay 1946-1947-dii qoraal lagu codsanaayo in la mideeyo shanta Soomaali weyn ay u gudbiyeen maamulkii Ingiriiska ee joogay qobolkaasi.

Sanadkii 1949-kii Ururka SYL waxa ay ku guuleysteen in ay qoraal ku saabsan gumeysiga ka jira dalka Soomaaliya iyo sida ay u doomayaan xoriyad ay u gudbiyeen Qaramada Midoobay,waxaana sanadkii 1950-kii 1-dii April la ogolaaday in talada gobolada Koonfureed lagu wareejiyo Talyaaniga si uu u maamulo muddo 10-sano oo xornimo gaarsiin ah.

Inkastoo Ingiriiska uu doorbiday in maamulkiisu uu baaqi ku sii ahado gobolada Woqooyi ,sanadkii 1954-55-tii wuxuu  sameeyay xad ama seere been abuur ah oo dhulalkii NFD-da Kenya, howdka Itoobiya iyo xeebaha Jabuuti ka dhigaya mid ka madax bannaan deegaanada Soomaalida,ka dib markii uu ku fashilmay in talada dalka Soomaaliya loo daayo.

Labada urur ee SNL iyo SYL waxay iyagoo gacan ka helaya culuma’udiinka , odayaasha dhaqanka, haweenka, shaqaalaha muruq-maalka ah iyo dad wax bartay ay ku guuleysteen in sanadihii u dhaxeeyay 1950-60-kii,in  la sii wado wadahadaladii u dhexeeyay ururada,si meesha looga saro gumeysiga,isla markaana loo helo midnimo iyo wadajir Soomaaliyeed.

Heshiisyadii ugu muhiimsanaa ee keenay Israacii labada gobol ee woqooyi iyo koonfur,waxa ay dhaceen Sanadihii u dhexeeyay  1956-dii illaa 1960-kii,xilligaasi oo gobolada koonfureed ay ka jireen Dowlad Daakhili ah,halka gobolada woqooyi iyaguna ay ka jireen maamul hoosaad ay dusha kala socdeen Ingiriiska.

Waxaa xaqiiqo ah in halgamayaal badan oo ay ka mid ahaayeen Axmed Gureey,Sayid Maxamed C/lle Xasan,Maxamed Cismaan Dhagaxtuur,Xaawo Taako iyo kuwo kale ay ahaayeen kuwo maalkooda iyo naftooda u huray sidii ummadda looga dulqaadi lahaa gumeysiga shisheeye ee dalka u yimid in ay gurtaan kheyraadka dabiiciga ah.

Sanadkii 1960-kii waa markii ugu horeysay ee xornimo rasmi ah iyo maamul dowladnimo oo madax bannaan ay qaataan gobolada koonfuree,isla markaana calan soomaaliyeed oo xor ah laga taago magaalada Muqdisho, marka laga reebo gobolada woqooyi galbeed oo 26-kii Juun ku horeeyay callansaarka,

Haddaba,Xuska 1-da Luulyo waa munaasabadda ugu weyn ee ku qoran baalasha dahabiga ah ee taariikhda Soomaaliya iyo quluubta dadka,isala markaana keentay in sanad kasta loo qumo ama loo dareero dabbaaldegga maalmaha xoriyadda gobolada koonfureed iyo israaca labada gobol ee koonfur iyo woqooyi, ka dib halgan dheer oo loo  soo galay hanashada madaxbanaanida dalka iyo tuuristii nuucyada gumeysi ee ka jiray dalka.

Waxaa nasiib wanaaag ah in 1-da Luulyo muddo sanado ah ka dib ay hesho hab-maamuuskii qaran ee ay laheyd,ka gadaal markii dib u habeyn lagu sameeyay muuqaaladii ay lahaayeen taallooyinka taariikhiga ah ee lagu xasuusto halgamayaashii doorka xoogan ku lahaa xilligii xoriyad doonka .

Waxaa shaki la aan ah in 1-da Luulyo ay tahay muraayad laga daawado miro dhalka halgankii siyaasadeed ee sida waddajirka ah ay u fuliyeen,qeybaha bulshada Soomaaliyeed,gaar ahaan dhallinyarada oo ah awoodda keliya ee xilli kasta u taagan badbaadinta shacabka.

Ujeedooyinka fog ee ka dambeeya qabashada xusaska taariikhiga ah ee maalmaha qaran, waa soo bandhigidda raadadkii ay ka tageen halgamayaashii kaalinta weyn ku lahaa raadinta xoriyadda, si jiilasha dambe ay u noqdaan kuwo waaya arag ah oo wax ka bartay dadaaladii dadkii ka horeeyay.

Marka loo eego xaaladda adag ee uu dalku marayo iyo gaabiska ka muuqda horumarka dalka,waxaa haboon in  dhallinyarada iyo aqooyahanada kale ay u istaagaan xal u helidda deegaanada maqan iyo guud ahaan soo celinta kalsoonidii luntay ee dadka ku kala baahsan Raas Caseyr ilaa Raas Kaambooni.

Ugu dambeyntii waxaan dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska 1-da luulyo halkaan uga direynaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyed meel kasta oo ay joogaan.

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

 

La wadaag cid kale