calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta oo shir guddoomiyay heshiiskii wareejinta FSNAU/SWALIM

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta oo shir guddoomiyay heshiiskii wareejinta FSNAU/SWALIM
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta oo shir guddoomiyay heshiiskii wareejinta FSNAU/SWALIM — SONNA
SONNA (MUQDISHO)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgahiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Asad Yusuf ayaa manta gudoomiyay shir ku saabsanaa heshiiskii wareejinta FSNAU/SWALIM wajiyadiisa (Phases) halka ay maraayaan, kaas oo ay ka qeyb galeen Agaaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Beraha iyo waaraabka, Tamarta iyo Kheyradka Biyaha iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Istaatiskada Qaranka. Shirkan oo ahmiyad wayn u lahaa dhinacyadan waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ah, wareejinta xogta iyo horumarinta nidaamka FSAUN/SWALIM, sidoo kale isku xirka iyo xoojinta wadashaqeynta hay’adaha ay khuseyso. Ugu dambeyntii Mas’uuliyiinta ayaa isla gorfeeyay sidii loo dar-dargalin lahaa sida ugu macquulsan ee loo soo wareejin lahaa xogta dowladda Soomaaliya, tasoo lagu xoojinayo hay’adda Istaatikasada Qaranka oo shaqooyinka waajibadaadkeeda tahay kaydinta, Aruurunta iyo shaacinta xogaha kala duwan ee dalkeennu ku saabsan.
La wadaag