Wararka
Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo la kulmay Madaxda Hey’adda SODMA iyo kuwo kale
Xayeysiis
Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa xalay hoyga uu ka degan yahay Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay wafdi ka socday Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalka.
Wafdigaasi oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, waxaa Magaalada Dhuusamareeb loogu sameeyay xaflad casho sharaf ah oo ay sidoo kale ka qeybgaleen xubno ka socday Maamulka Galmudug.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Galmudug uga mahadceliyay soo dhaweynta, martigelinta iyo maamuuska uu u fidiyay wafdiga intii ay ku sugnaayeen Galmudug.
Kulanka oo ahaa mid soo dhaweyn ah ayaa lagu maamuusay wafdiga ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee ka qeybgalaya Shirka Madasha Arrimaha Banii'aadanimada Soomaaliya (CHF).
