Wararka
Shir ku saabsanaa tayeynta waxbarashada oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay
Xayeysiis
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS, Nuura Mustaf Muqtaar ayaa soo xiray Shir wadatashi ah oo ku saabsanaa tayeynta waxbarashada iyo is-dhaafsiga aqoonta iyo hal-abuurka.
Shirkaasi oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta waxbarashada dowladda federaalka,agaasimayaasha waxbarashada ee dowlad goboleedyada,aqoonyahanno iyo khuburro kale.
Shirka wadatashiga oo socday muddo laba cisho ah waxaa looga hadlay horumarinta iyo tayeynta waxbarashada aasaasiga ah, is-dhaafsiga Aqoonta iyo Hal-abuurka iyo xal u helidda caqabadaha hortaagan helitaanka waxbarasho tayo leh
Shirkaasi wadatashiga ah oo la isku dhaafsaday fikrado muhiim ah oo khuseeya tayeynta waxbarashada iyo kor u qaadidda aqoonta macalimiinta waxaa ka hadlay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS iyo Agaasimayaasha waxbarashada ee dowlad goboleedyada.


