Wararka
Bandhigga filim ka hadlaya xadgudubyada Imaaraadka oo Muqdisho lagu daawaday
Xayeysiis
Mas'uuliyiin ka tirsan dowladeed iyo boqolaal shacab ah ayaa xalay ka qeybgalay daawashada filim dokumenteri ah oo ka hadlaya faragelinta Imaaraadka iyo xadgudubyada kale ee ka horimaanaya madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdifataax Qaasim Maxamuud oo ka hadlay bandhigga filimkaasi oo lagu qabtay garoonka K/Koleyga Wiish ee Magalada Muqdisho ayaa iftiimimiyay habdhaqanka gurracan ee Imaaraadka iyo tacadiyada kala duwan ee ay ka geysteen gudaha dalka Soomaalaiya.
Wasiirka ayaa xusay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ay qaaddeen tallaabo wax ku ool ah oo ka dhan ah Imaaraadka,isagoo rajeeyay in arrinta lagu xallin karo hab diblomaasiyadeed, iyadoo la ilaalinaayo madaxbannaanida iyo midnimada dalka.
Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan sida ay uga horjeedaan xadgudubyada iyo tacadiyada kale ee Imaaraadka ay kula kaceen dadka iyo dalka.


