Wararka
Hey’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Bariga Afrika oo yeeshay kulan muhiim ah
Xayeysiis
Shir ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta hey’adaha socdaalka iyo jinsiyadaha ee Bulshada Bariga Afrika ayaa lagu qabtay Magaalada Kambaala ee Dalka Uganda
Shirkaan oo ah mid sanadle ah waxaa looga hadlay arrimaha isu socodka iyo isdhexgalka bulshada ee dowladaha ku mideysan Ururka Bulshada Bariga Afrika .
Shirka intii uu socday xubnaha Soomaaliya ee ka qeybgalay shirkaasi waxa ay soo bandhigeen saballo ku saabsan qaabka loogu talagalay baasaboorka cusub ee dalka.
Sidoo kale, Shirka waxaa lagu soo bandhigay sida Soomaaliya ay horumar uga sameysay hagaajinta baasaboorka iyo aqoonsiga muwaadiniinta Soomaalida, si uu u noqdo mid la jaanqaadi kara hannaanka baasaboorada ee Bariga Afrika
Soomaaliya waxay ururka Bulshada Bariga Afrika ku biirtay 2023,iyadoo ururkaasi ay ku mideysan yihiin siddeed dal oo Afrikaan ah.

