Wararka
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta ku qaabiley Xafiiska Xoghaya Guud ee Golaha iskaashiga Mihnadlayaasha caafimaadka Qaranka, Kulanka ayaa Lagaga wada Hadley isla Markaana diiradda lagu saarey qaab-dhismeedka shaqo iyo Xoojinta Iskaashiga labada Xafiis.
Intii uu kulanku socday, Xoghayaha guud ayaa Xafiiska siiyey warbixin guud oo ku saabsan habka ay u shaqeeyaan Golaha iskaashiga Mihnadlayaasha caafimaadka Qaranka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa adkeeyey kulana dardaarmey muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn dhow iyo isku-dubarid wax-ku-ool ah oo dhex mara hay’adaha dowladda, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay inuu si dhow ula shaqeeyo hay’adaha kala duwan ee caafimaadka.












