Gudaha
MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QAYB GALAY MUNAASABDDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA LA DOORTAY EE HIRSHABEELLE

Jowhar,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha dib loo doortay ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Hoggaamiye Ku-xigeenka, Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax iyo Guddoonka Golaha Wakiillada, taasi oo ka dhacday magaalada Jowhar.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya xal u helidda tabashooyinka siyaasadeed ee reer Hiiraan ayaa munaasabadda kaga dhawaaqay in caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle la siiyay reer Hiiraan, iyada oo loo marayo habraacyada lagama maarmaanka ah iyo nidaamka dowliga ah.
"Walaalaha reer Hiiraan ee tabashada qaba waxaan leeyahay, caasimaddii waa la idiin siiyay, iyadoo dhammaystirka arrintaas loo maridoono habraacyada dowliga ah, waxaana muhiim ah in aad soo bandhigtaan magaalo-madax u qalanta caasimad, isla markaana ay si wadajir ah ugu wada noolaan karaan madaxda iyo dhammaan bulshada deggan maamulka".
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hambalyo u diray hoggaanka la doortay ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, isaga oo ku adkeeyey muhiimadda ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada reer Hirshabeelle, si loo xoojiyo dowladnimada iyo horumarka deegaanka.
























