Gudaha
๐๐'๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ช๐๐ฒ๐-๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐ฆ๐ฎ๐ง๐๐๐ฌ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ฆ๐-๐ฌ๐๐๐ซ๐ค๐ ๐ก๐จ๐ ๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐ข๐ซ๐ฌ๐ก๐๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐

Jowhar,(SONNA):- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo ku-xigeenkiisa Mudane Cabdifataax Xasan Afrax oo maanta ka qabsoontay magaalada Jowhar.
Raโiisul Wasaaraha oo munaasabadda ka hadlay ayaa hambalyeeyay hoggaanka cusub iyo heyโadaha dowladda Hirshabeelle kuwaas oo ku yimid hab doorasho qof iyo cod ah.
Raโiisul Wasaaraha ayaa ka qeybgalka xafladda ka sokoow la kulmay hoggaanka maamulka oo uu ka dhagaystay horumarada ay Hirshabeelle ku talaabsatay dhanka fidinta adeegyada guud, hirgalinta mashaariicda, sugista amniga mid ka mid ah magaalooyinka ugu dadka badan dalka , iyo fududeynta iskaashiga heerarka kala duwan ee dowladda.
Mudane Xamsa ayaa hoggaamiyaha Hirshabeelle iyo madaxda kale ku adkeeyay dhamaystirka arrimaha dib u heshiisiinta iyo dhammaynta wixii tabasho ah oo jira.
โHirshabeelle wax badan baa u qabsoomay, mashaariic badan baa ka fuley, kuwa kale ayaa socda, qaar kalena waa qorsheysanyihiin, waxaase saldhig u ah amniga iyo wadajirka โ ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa.
Mudane Xamsa oo si gaar ah ula hadlay shacabka reer Hiiraan ayaa ugu baaqay in ay halkii kasii wadaan halgankii ay kula jireen cadawga Khawaariijta , isaga oo dhanka kale sheegay in tabashooyinkooda la xalin doono.























