Wararka
Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

Muqdisho-(SONNA)- Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ciidanka xoogga dalka iyo ciidanka deegaanka ee ku jira dugsiga tababarrada Qoriloow ee Shabeellada dhexe faray in ay heegan buuxa galaan.
Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale ciidanka ku adkeeyay in ay dardar geliyaan howlgallada lagu ciribtirka khawaarijta.
Wasaaradda Difaaca ee XFS ayaa wadda abaabulkii ugu dambeeyay ee la doonayo in lagu xididda siibo haraadiga khawaarijta.



