Wararka
Wasaaradda Gaadiidka oo ka digtay mowjadaha xilliga Bad-xiranka
Xilliga Bad-xiranka waxaa kaca mowjado keeni kara qasaare nafeed iyo mid maaliyadeed

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu wargelineysaa ganacsatada, kalluumeysatada, milkiilayaasha gaadiidka badda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in uu bilowday xilliga bad-xiranka, oo ah xilli ay ka jiraan mowjado iyo dabeylo xoog leh Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed. Muddadan bad-xiranka waxay socon doontaa laga bilaabo 01-da Juun 2026 ilaa 15-ka September 2026.

La wadaag



