Wararka
Wakiilada Baarlamaanka Hirshabeelle oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Jowhar(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle, Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Cabdi, ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada doorashada Hirshabeelle, oo uu ku guuleystay Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Mudane Cali Guudlaawe uu helay 81 cod, halka musharraxa la tartamayay, Nuur Cilmi Calane, uu helay 13 cod. Doorashada waxaa codeeyay 98 xildhibaan, iyadoo afar cod ay xumaadeen.
Sidoo kale, Cabdifataax Xasan Afrax ayaa ku guuleystay xilka Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, isagoo helay 79 cod, halka musharraxa la tartamayay, Cabdifataax Baashi Maxamed, uu helay 16 cod.
Hoggaamiyaha la doortay ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo doorashad kadib hadlay ayaa yir "Waxaan u mahadcelinayaa Golaha Wakiilada Hirshabeelle kalsoonida aad iigu doorateen hoggaaminta Hirshabeelle shanta sano ee soo socota."





