calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo su'aalo wadareed weydiiyay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo su'aalo wadareed weydiiyay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo su'aalo wadareed weydiiyay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS — SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulanka 28-aad ee kalfadhiga 8-aad, waxaana kulanka shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horreyn, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u codeeyey warbixinta akhrinta saddexaad ee Hindise-sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Sharci Lr. 130 ee soo baxay Abriil 2012, waxaana oggolaaday 137-Xildhibaan, 4-Xildhibaan ayaa diiday, halka sedax Xildhibaan ay ka aamuseen.

Dhinaca kale, kulanka maanta ee mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa lagu dhaariyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dekdaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada), xubin ka tirsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka iyo sidoo kale laba xubnood oo ka tirsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka.

Intaas kaddib, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guda galay soo jeedin ama mooshin ku saabsan su’aalo wadareed la weydiinayo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasoo Xildhibaano Golaha ka tirsan ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka u gudbiyeen 10-kii October 2026, waxaana Xildhibaanada Golaha ay wasiirka Wasaaradda weydiiyeen su’aalo la xiriira waajibaadka iyo howlaha Wasaaradda Caafimaadka.

Ka dib markii, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada la weydiiyey su’aalaha la xiriira xaaladda guud ee Caafimaadka ayaa Xildhibaanada Golaha waxay u qaadeen codka kalsoonida, iyadoo Xildhibaano gaaraya 89-Xildhibaan ay codeeyeen inuu Wasiirku xilkiisa wasiirnimo sii wato, halka 50-Xildhibaanna ay u codeeyeen in Wasiirka kalsoonida lagala noqdo, sidoo kalena shan Xildhibaan ayaa ka aamustay, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo natiijada codeynta ku dhowaaqay.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo kulanka soo xiray, ayaa Xildhibaannada uga mahadceliyey kasoo qaybgalka kulanka iyo gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah.

La wadaag