Gudaha
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo bilaabay Hawlgalka Banooda

Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta bilaabay Hawlgalka Banooda, oo ujeeddadiisu tahay ciribtirka maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan deegaannada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ayaa hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Leego ee gobolka Baay cagta mariyay maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsan oo isku dayay inay is-hortaagaan ciidanka. Waxaa la xaqiijiyay in iska horimaadkaas lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.
Intii uu hawlgalku socday, ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub noocyo kala duwan leh oo ay wateen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada hawlgallada lagu baacsanayo xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee ka baxsaday goobihii uu hawlgalku ka dhacay.
Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay u hambalyaynaysaa geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo maanta cashar adag u dhigay Khawaarijta, isla markaana hawlgalkooda ku bilaabay guul weyn.



