Wararka
Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada
Shirka waxaa looga hadlay amniga, doorashooyinka iyo horumarinta nidaamka dowlad wnaagga

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay arrimaha amniga, doorashooyinka madaxa-bannaan ee dalka ka socda iyo dimuqraadiyadda.
Kulanka Golaha, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muujinayaa howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada qalabka sida ay sameeyeen iyo guulaha la xaqiijiyay, kuwaas oo jab weyn soo gaarsiiyey Khawaarijta.
Golaha Wasiirrada XFS, ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Diiwaangalinta iyo Rukhsad-siinta Ganacsiyada iyo Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Agaasinka Guud ee Arrimaha Diinta ee Madaxtooyada Turkiga iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.








