Wararka
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐ ๐ค๐ฎ ๐ช๐๐๐๐ข๐ฅ๐๐ฒ ๐ฐ๐๐๐๐ข ๐ค๐ ๐ฌ๐จ๐๐๐ ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐๐๐ ๐๐๐๐ฎ๐ฎ๐๐ข๐ ๐

Muqdisho,(SONNA):- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Xarunta ilaalinta Fikirka iyo Ka-hortagga Xagjirnimada Boqortooyada Sacuudiga, Sareeye Gaas Cabdullaahi bin Haadi Al-Haajiri iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo maalmahan ku sugnaa caasimadda Muqdisho.
Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la-wadaagay wafdiga tallaabooyinka iyo qorshayaasha la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee ay qaadday dowladda Soomaaliya, ee lagu ciribtirayo aragtiyaha gurracan ee ay ka curteen kooxaha Khawaarijta iyo sida ay bulshada Soomaaliyeed ugu baraarugeen halista ay leeyihiin kuwa banneystay nafta iyo maalka bulshadeenna.
Wafdiga, oo ka mahadceliyay qaabilaadda Raโiisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Boqortooyada Sacuudiga, ay dowladda Soomaaliya ka caawinayso dhanka khibradda iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin daawaynta fikradaha gurracan ee Khawaarijta, gaar ahaan dhanka farriimaha wacyigalinta, tababbarada howl-wadeennada iyo taageerada kale ee loo baahanyahay.
Dowladda Sacuudiga, gaar ahaan Xarunta ilaalinta Fikirka iyo Ka-hortagga Xagjirnimada, ayaa iskaashi iyo wada-shaqayn la yeelan doonta Xarunta Qaran ee Tubsan ee Xafiiska Raโiisul Wasaaraha, taasi oo dowladda u qaabilsan ciribtirka fikradaha gurracan.
Ugu dambayn: Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga, doorkooda wanaagsan ee ay ka gaystaan amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan.









