Wararka
Tababar lagu baranayo horumarinta xirfadaha warbaahinta oo ka furmay dalka Masar

Masar(SONNA):-Tababar warbaahineed oo ay dowladda Masar u qabatay saxafiyiin ka kala socda dalal Afrika ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana Soomaaliya ku matalaya sideed Howlwadeen oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.
Tababarkan oo soconaya muddo 21 maalmood ah ayaa diiradda saarayaa horumarinta xirfadaha warbaahinta, hababka casriga ah ee tebinta wararka iyo sare u qaadista tayada shaqada saxafiyiinta.
Tababarka waxaa soo qaban qaabiyay xarunta tababarka iyo daraasaadka Warbaahinta ee hoos tagta Golaha Sare ee nidaaminta Warbaahinta Masar, iyada oo kaashanaysa wasaaradda arrimaha dibadda ee Dalkaas.
Ka qeybgalka howlwadeennada Wasaaradda warfaafinta, xukumadda Federaalka Soomaaliya ee tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo aqoonta iyo kartida shaqaalaha Warbaahinta Qaranka, si waayo-aragnimada ay uga kororsadaan ugana faa’iideystaan horumarinta warbaahinta dalka.







