Wararka
Madaxweyne Xasan Sheekh: Israa’iil iyo Taywan waxay khatar ku yihiin jiritaanka Soomaaliya (WARBIXIN)
Hadalladiisu waxay ku soo beegmeen khudbad ka dhacaysay xaflad lagu daahfurayay dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka Soomaaliya ee caasimadda, Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Axaddii ku dhawaaqay in Israel iyo Taiwan ay khatar ku yihiin jiritaanka Soomaaliya, sida ay warisay Anadolu.
“Taiwan waxay halis ku tahay jiritaanka Soomaaliya, Israel-na waxay halis kale ku tahay dowladnimada Soomaaliya. Waxaan garanaynaa kuwa saaxiibada dhow ee aan leenahay iyo kuwa aan aheyn,” ayuu Xasan Sheekh Mohamud yiri intii uu khudbadiisa ka jeedinayay furitaanka jaamacadda, oo sidoo kale la filayo inay yeelato isbitaal ciidan.
Shiinaha, oo Dr: Xasan Sheekh sheegay inuu yahay mid ka mid ah xulafada ugu dhow Soomaaliya, ayaa maalgelinaya dhismaha Jaamacadda. Israel waa dalka kaliya ee aqoonsaday gobolkii iskood ka goostay Soomaaliya ee la baxay Somaliland, halka Taiwan ay leedahay xiriir diblomaasiyadeed oo ballaaran iyo joogitaan caasimadda gobolkaa ee Hargeysa.
Sidoo kale wuxuu dhaliilay hoggaamiyeyaasha Mucaaradka, isagoo ku eedeeyay inay raadinayaan xalal shisheeye, wuxuuna ku dhiirrigeliyay inay ku soo laabtaan wadahadalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka, oo hirgelinteedu ku timid aragtida iyo qorshaha Madaxweynaha ee tayeynta aqoonta iyo xirfadaha difaaca dalka, taasi oo soo saari-doonta aqoonyahanno Soomaaliyeed oo leh xirfad iyo karti ay ugu adeegaan difaaca iyo ilaalinta Qaranka.
Jaamacadda Difaaca Qaranka ayaa loo dhisayaa qaab casri ah, iyadoo ka koobnaan doonta dhammaan qeybaha lagama maarmaanka u ah xarun Waxbarasho oo heer Jaamacadeed ah, sida kulliyado kala duwan, xarumo cilmi-baaris, goobo tababar iyo deegaan, waxaana hirgalinteeda Soomaaliya ka taageeraya dowladda Shiinaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dadaalka ay ku bixiyeen dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha ciidamada, taasi oo suurtagelisay in muddo kaddib ay hay’adahaasi awood u yeeshaan qorsheynta iyo fulinta mashaariic waaweyn oo wax ka taraya tayeynta ciidamada, kor u qaadista aqoontooda iyo daryeelkooda caafimaad.
Mudane Xasan Sheekh Mohamud ayaa ku soo laabtay Muqdisho maalintii shalay Axaddii, ka dib markii uu ka qayb galay shirka cimilada ee COP31 ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay Antalya, Türkiye, halkaas oo uu ka digay in mid ka mid ah dhacdooyinka ugu xooggan ee El Nino ee Soomaaliya ay diiwaangelisay ay keeni karto fatahaad oo si daran u dhaawici karta nolosha ilaa 3.4 milyan oo qof ee gobollada koonfureed.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dib u howlgeliyey Hoggaanka Dhismaha Taliska Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo dardargeliyo howlaha dhismaha, dayactirka iyo horumarinta kaabayaasha ciidamada.
Calaamadaha Nabadda ayaa ka jira Muqdisho, Koox Argagixiso ah oo la xiriirta al-Qaacida ayaa 20 sano ka dagaallami jirtay Soomaaliya.
Mas’uuliyiin sare oo Soomaali ah waxay sheegayaan in nolosha maalinlaha ah ee Muqdisho iyo hareeraheeda ay u soo noqoneyso caadi, kadib markii dagaalka 20-ka sano ah ee dowladda ay kula jirto kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.
“Waxaan xasuusannaa afar iyo bar sano ka hor, markii doorashooyin lagu qabanayay halkan … fallaaraha Hoobiyaha (mortar-ka) ayaa sida dhagaxa u rogmaya hareeraha hoolka lagu qabanayay doorashadii,” ayuu Fiqi ku yiri warbixin uu TRT Afrika warkan ka sameeyay.
TRT Afrika waxay sheegtay in Muqdisho hadda ay martigeliso dhacdooyin ciyaaro iyo isku imaatinno dhaqameed oo waaweyn iyo in maqaayadaha ay furan yihiin saacado dheer habeenkii. Intii lagu guda jiray Koobka Adduunka 2026-ka, maamulka sare ee dowladda ayaa la arkay iyaga oo daawanaya ciyaaraha, iyaga oo la jooga shacabka. Intii lagu guda jiray Dabaaldegga Maalinta Xorriyadda 1-da Luulyo, Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la dhex galay dhallinyarada ku sugan Garoonka Taleex, iyada oo aan la isticmaalin amni xad-dhaaf ah.



