Gudaha
Ciidamada XD oo howlgal ku khaarijiyay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Moora-hagar degmada Xudur ku khaarajiyay horjooge Mustaf Maxamed Dhaayow oo Khawaarijta u qaabilsanaa uruurinta lacagaha iyo Xoolaha baadda ah ee shacabka ay sida qasabka ah uga qaataan nabadiidku.
Horjooge Dhaayow, ayey Ciidanku nafta dhaafiyeen, isagoo ku howlan dhaca iyo dhibaateynta bulshada Soomaaliyeed ee ku nool duleedka deegaanka Moora-hagar ee gobolka Bakool.





La wadaag



