Wararka
Kumanaan Arday ah oo maanta u dabaaldegay soo gabagabynta imtixaankooda shahaadiga

Muqdisho-(SONNA)-Waxaa maanta fagaaraha Daljiraka Dahsoon degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir isugu soo baxay kumanaan Arday ah oo u dabaaldegaya soo xirista Imtixaanka shahaadiga fasallada 12-aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026.
Munaasabadda dabaaldegga ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirro ka tirsan XFS,Saraakiisha ugu sarreysa qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka, maamulka Gobolka Banaadir, madax iyo shacab fara badan.
Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa guddiga qabanqaabada maalmaha xorriyadda iyo midnimada labada gobol oo halkaas qudbado dhiirrigelin iyo dardaaran ah u jeediyay ardayda uu maanta usoo xirmay imtixaanka Shahaadiga, iyagoo u rajeeyay guul iyo horumar.



