Wararka
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Laanqeyta Cas ee Kenya oo heshiis iskaashi ah gaaray
Heshiiskan waxa uu gogol dhig u noqon karaa wada-shaqeyn iyo iskaashi buuxa oo ay labada dhinac gaaraan

Nairobi (SONNA): Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Laanqeyrta Cas ee Kenya (KRCS), Dr. Ahmed Idris, ayaa magaalada Nairobi ku kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee maareynta musiibooyinka.
Heshiiskan ayaa diiradda saaraya taageeridda bulshooyinka ku nool deegaannada xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la horumarinayo nidaamyada digniinta hore, falanqaynta khataraha, iyo wadaagga xogta la xiriirta cimilada iyo xaaladaha degdegga ah.
Sidoo kale, waxaa la isku afgartay xoojinta tababarrada gurmadka, kaydinta agabka gargaarka, iyo tayeynta awoodda kooxaha ka jawaaba xaaladaha degdegga ah, si loo dardargeliyo adeegyada bini’aadannimo.
Heshiiskan oo socon doona muddo saddex sano ah ayaa sidoo kale lagu adkaynayaa iskaashiga ku aaddan u-diyaargarowga, gurmadka bini’aadannimo iyo ka-soo-kabashada musiibooyinka, taasoo gacan ka geysan doonta yareynta saameynta xaaladaha degdegga ah.
Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa bogaadiyey heshiiska, isagoo sheegay inuu muhiim u yahay xoojinta wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Kenya, iyo badbaadinta nolosha dadka nugul ee ay saameeyaan musiibooyinka.







