Wararka
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

Muqdisho-(SONNA)- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, bahda fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.
Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in Marxuumku ahaa fannaan wayn oo miisaan iyo qiimo ku lahaa fanka Soomaaliyeed, mulaxamiiste iyo dhaqan yaqaan kaalin weyn ka qaatay horumarinta fanka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana ka mid ahaa hobolladii Waaberi ee sumcadda wayn ee fanka Soomaaliyeed gaarsiiyay caalamka.
Sidoo kale, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Alle uga baryay Marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed


