Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka ganacsiga oo Addis Ababa kula kulmay mas’uul sare oo QM ka tirsan
    February 16, 2026
    Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay danjiraha Shiinaha
    February 16, 2026
    Soomaaliya iyo Tanzania oo kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan Arrimaha Socdaalka Labada Dal
    February 16, 2026
    Xildhibaannada Labada Aqal oo ka dooday wax-ka-beddelka Cutubka 6-aad ee soojeedinta Guddiyada Dastuurka
    February 16, 2026
    Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab
    February 16, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: 21-ka Febraayo Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > 21-ka Febraayo Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo (Warbixin)
MaqaalladaWararka

21-ka Febraayo Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo (Warbixin)

By Kulane
Last updated: February 21, 2021
6 Min Read
Share

Afka ama luqaddu waa adeegga ugu muhiimsan nidaamka nololeed ee ka tarjumaya aasaaska iyo jiritaanka dadka,isla markaana isku xira howlaha iyo waxqabadka kale ee ay wadaagaan guud ahaan dadyoowga dunida.

Haddaba,Taariikhda soo jireenka ah ee ku qoran ,keydadka qoraalada ee diiwaanka dunida, Waxay na barayaan in soo ifbixii diinta islaamka iyo ka horba ay jireen nidaam aasaasi ah oo fududeeyay in dadka Soomaaliyeed ay xiriir ganacsi iyo mid isdhexgalba la sameeyaan dalal ka mid ah caalamka,gaar ahaan kuwa carabta oo dhaqan ahaan iyo diin ahaanba la wadaaga bulshada Soomaaliyeed.

Barashada tacliinta diinta islaamka ee ku qoran farta Carabiga waxay dhalisay horumar kale oo loo qaaday xagga qoraalka farta,taasina,waxaad ka garan kartaa kororka ereyo badan oo carbeed noqdaan kuwo ku miilmay Afka Soomaliga iyo in xilligaasi ay soo ifbaxaan dad badan oo Soomaali ah oo wax akhriya,waxna qora.

Dhinaca kale,barashada luqadaha qalaad ee ka yimid Galbeedka,gaar ahaan gumeystayaashii reer Yurub, waxa ay saacideen in ay soo baxaan bulsho wax taqaan oo kaalin xoogan ka qaatay fududeynta qoraalka farta iyo Helitaankii  iftiinkii xornimada Soomaaliya.

In la qqoro Afka Hooyo,waxa uu ahaa dadaalkii ugu horeeyay ee fikrad ahaan ka yimid Dowladdi Rayidka ee Soomaaliya,waxaana 1-di July ee sanadkii 1961-kii la magacaabay guddi aqoonyahanno ah oo ka soo baaraandega qoraalka Farta Soomaaliga.

Isku daygaasi loo qaaday xagga qoraalka Farta, waxa uu noqday mid aan miro dhalin,iyadoo sababaha ugu weyn lagu sheegay is-qabqabsi u dhexeeyay guddigaasi oo ku aadanaa nidaamka xuruufaha  farta ee la qaadanaayo.

Guddigaasi loo magacaabay qoraalka Farta,waxay kala ahaayeen;-

1-Muuse Xaaji Ismaacil Galaal-Guddoomiye.2-Yuusuf Maygaag Samatar-Xog-heyn.3-Xusein Sheekh Axmed (Kaddare).4-Yaasiin Cismaan Yuusuf.5-Maxamuud Saalax (Ladane.6-Ibraahim Xaashi Maxamuud.7-Mustaf Sheikh Xasan.8-Shire Jaamac Ahmed.iyo 9-Khaliif Suudi

Markii labaad, sanadkii 1971-dii waxaa  la magacaabay guddi u howlgala qoraalka Farta Soomaaliga oo ay abaaabulkeeda lahaayeen Dowladdii Kacaanka ee talada dalka Soomaaliya la wareegtay 1969-kii,waxaana suurtagashay in la soo saaro 18-far oo ay ka mid ahaayeen Cismaaniya,Kaddariya,Al-xabashiya,Al-carabiya iyo kuwo kale

Guddigaasi labaad waxay ahaayeen kuwo aqoon u leh suugaanta iyo qoraalka farta Laatiinka, waxayna kala ahaayeen:-

1-Shariif Saalax Maxamed Cali.2-Yaasiin Cismaan Kenadiid.3-Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal.4-Xusein Sheikh Ahmed Kaddare.5-Aw Jaamac Cumar Ciise.6-C/laahi Xaaji Maxamuud (Insaaniya).7-Maxamed Xaaji Xusein Sheeko Xariir.8- Mustaf Sheikh Hasan.9-Ahmed Ali Abokar

10-Yuusuf Xirsi Axmed.11-Cabdi Daahir Afeey.12-Cabdulaahi Xaaji Abuubakar.13-Cabdullaahi Ardeeye

14-Xasan Sheekh Muumin.15-Maxamed Nuur Caalin.16-Maxamed Xasan Aadan (Gaheyre).17-Xirsi Magan Ciise.18-Cumar Aw Nuux.19-Axmed Cartan Xaange.20-Cabdirahmaan Nuur Xirsi.21-Shire Jaamah Ahmed

Oktoobar 21kii 1972-dii waa markii ugu horeysay ee lagu dhawaaqo qoraalka Afka Soomaaaliga,waxaana muddo sanad ah lagu diyaariyay Qaamuus ,Buugag iyo Manhajyo ku qoran Afka Somaaliga,iyadoo ka isbeddel kooban lagu sameeyay xuruuftii Laatiinka ee la qaatay,sida nidaamka xarfaha, shaqalada iyo shibanayaasha.

21-kii  Jannaayo 1973dii,waa markii ugu horreysay ee uu dalka Soomaaliya ka soo baxo wargeys ku hadlaya Afka Soomaaliga, isla markaana la helo Manhaj waxbarasho oo loo adeegsado Dugsiyada dalka,isla markaana xambaarsan,aqoonta cilmiga maadiga ah, dhaqanka iyo taariikhda bulsho ee Soomaaliyeed.

Inkastoo wixii ka dambeeya 1991-kii si weyn loo dareemay dib u dhac xoogan oo ku yimid  manhajyada waxbarasho ee ku qornaa Afka ,haddana, Sanadkii 2018-kii waxaa mar kale lagu guuleystay in la mideeyo manhajyadii waxbarasho ee ku baxayey afafka qalaad,isla markaana la sameeyo hal manhaj oo ka tarjumaya Afka Hooyo.

Waxaa xaqiiqo ah in xilligii berisamaadka  ee la qoray Afka ka dib lagu tallaabsaday horumar xagga Afka ah oo bulshada Soomaaliyeed ka saaciday in la helo hal nidaam oo loo maro qoraalka Afka ,isla markaana xambaarsan adeegyada maadooyinka cilmiga ah, kuwa dhaqanka, Warbaahinta, xafiisyada iyo  Waxbarashada.

Af Soomaaligu waa mid ka mid ah luqadaha ugu qarada weyn ee looga hadlo dalalka Geeska Afrika, waana dhaxal ay leeyihiin dad ku dhow 30-milyan oo ku kala baahsan dalalka Jabuuti,Itoobiya,Kenya iyo gudaha Soomaaliya.

Qoraalka Farta waa nidaamka kaliya ee lagu ilaaliyo Afka,waana adeeg aasaasi ah oo ku xiran nidaamka dowladnimo,sidaa daraadeed,waxaa lama huraan ah in ,mas’uuliyiinta Waxbarashada iyo maamulka Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta uu dorkodu noqdo ilaalinta iyo dhowrista adeegga waxbarasho ee dalka.

Haddii la helo manhaj ku qoran Afka Hooyo,,adeegyo waxbarasho oo lacag la’aan ah iyo isdhexgal bulsho,waxaa cad in ay imaan karaan koboc dhanka Afka ah iyo aqoon  waxbarashoo oo tayeysan.

Sidoo kale ,waxaa muhiim ah in bulshada lagu baraarujiyo qoraalka Afka, isla markaan loo fududeeyo helitaanka adeegyadaasi oo ah  nidaanka kaliya ee lagu ilaalin karo Afka Hooyo.

Maanta oo ku beegan 21-ka Febraayo,waxaa Dalka Soomaaliya iyo caalamkaba laga xusay munaasabadda xuska maalinta Afka Hooyo oo qiimo gaar ah u leh qeybaha bulshada ee ku kala nool  Qaaradaha dunida.

Haddaba,Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cismaan Abokor Dubbe,ayaa manta dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo,aawadeed u diray shucuubta dunida,gaar ahaan shacbiga Soomaaliyeed.

Wasiirku,waxa uu ka waramay ahmiyadda Afku u leeyahay umadda iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in cid kasta ay kaalin wax ku ool ah ka qaadato horumarinta iyo ilaalinta Afka.

Mudane Dubbe,waxa uu ugu dambeyntii u rajeeyay shacbiga Soomaaliyeed,gaar ahaan shaqaalaha Wasaaradda warbaahinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska in sanadkan kiisa kale  ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka ganacsiga oo Addis Ababa kula kulmay mas’uul sare oo QM ka tirsan

Addis Ababa (SONNA): Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan,…

February 16, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Xoogga oo wada howlgallo Al-shabaab Looga saarayo deegaanno ka tirsan Galmudug

Galkacyo (SONNA)…Taliyaha qaybta 21-aad  ee Ciidanka Xoogga Dalka  C/Casiis C/Laahi "Qooje iyo ciidamo uu wato oo gaaray deegaanka Camaara ee…

Wararka
April 11, 2020

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweys Jama ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka…

GudahaWararka
December 3, 2025

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka sameeyay deegaanka Geel-gub

Muqdisho-(SONNA)-Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa…

GudahaWararka
April 9, 2025

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shirka heerka sare ee Golaha Dhaqaalaha Qaran oo looga hadlay qorshaha hiigsiga qarni jirka ee 2060

Muqdisho-(SONNA)-Shirka Heerka Sare ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa saaka ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Qaranka iyada oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda…

GudahaWararka
May 14, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023