Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda qaxootiga oo xilka la wareegay
    April 30, 2026
    Shirka golaha wasiirada KGS oo looga hadlay amniga iyo mashaariicda
    April 30, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah
    April 30, 2026
    Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed
    April 30, 2026
    𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 k𝐚 q𝐚𝐲𝐛 g𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐭𝐚𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚
    April 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Taariikhda bare sare AUN Axmed Muumin Warfaa.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Taariikhda bare sare AUN Axmed Muumin Warfaa.
GudahaMaqaallada

Taariikhda bare sare AUN Axmed Muumin Warfaa.

By Mohamed Abdukadir Socdaal
Last updated: March 28, 2021
5 Min Read
Share

Eebbe weyne ha janneeyo, waxaa 24 Maarso 2021, Muqdisho ku geeriyooday Bare sare. Axmed Muumin Warfaa, oo ka mid ahaa aqoon-maalka iyo indheer-garadka Soomaalida, kuwooda wax laga weydiiyo kasmada geyiga iyo geedaha.

WAAYIHIISII WAXBARASHO

Wuxuu ku dhashay magaalada Buulabarde 1948-dii, iskuul hoose iyo dugsi qur’aankana wuxuu ku qaatay isla Buulabarde. Dugsi dhexe wuxuu ka galay degaanka Jannaale, waxbarashadiisa dugsiga sare waxey ahayd Dugsigii Farsamada ee Xamar.

Jaamacadda heerka 1-aad (Bachelor Degree) wuxuu ka mid ahaa 21 arday oo lagu billaabay kulliyadda beeraha, wuxuuna ka mid ahaa guud ahaan ardaydii Soomaaliyeed ee lagu iba-furay Jaamacaddii Ummadda, shahaadada 2-aad ee heer aqooneedda sare (masters degree) wuxuu ku sammeeyey dalka Talyaaniga, halka tan ugu dambeeysa ee PhD-dana uu ka kasbaday jaamacadda Uppsala ee dalka Sweden.

WAAYIHIISII WAXQABAD

Wuxuu macalinnimo ka billaabay kulliyaddii beeraha ee Jaamacaddii Ummadda, bartamihii todobaatannada ilaa 1991-dii, oo aheyd ku kala dareeriddii dowladnimada dalka.

Bara-sare inuu ahaa kasa-kow, wuxuu ku biiray liiska Seynisyahannada caalamka dabayaaqadii 80-aadka ee qarnigii na dhaafay, kadib markii uu daah-furay nooc dhirta ka mid ah oo aan dunidu war ka heyn isaga hortiis.

Nooc dhireedkaan uu daah-furay waxaa lagu magacaabaa “Cyclamen somalense” af-cilmiyeedka Latin-ka, af Soomaalina “Dhegweyn” ayaa la dhahaa, waa ceyn ka mida geedgaabka geyigeenna waxaana laga helaa badiyaaba waqooyi bari Soomaaliya.

Waxaa ku wehliyey hal-abuur-aqooneedkan cusub nin u dhashay dalka Sweden oo ay jaal ahaayeen looguna yeero Mats Thulin.

Eebbe ha u raxmadee, marxuunku wuxuu ku talax-tegay cilmiga ab-tiriska iyo abla-ableynta dhirta (classification of plants) waana tan u horseeday inuu gaaro heer Seynisyahan (Scientist), oo ah mansab-cilmiyeed la gaaro tan ugu sarreeyso adduunkaan casriga ah ee maanta eynu joogno.

Hadda ka hor, mar baa la ii sheegay inuu yahay Seynisyankii ugu horreeyey ee Soomaalida, mase hubo anigu qof ahaan arrintaas sax ahaanshaheeda, mana ugu dhiiran karo sida aan u ogahay Dr. Cali Mire inuu ahaa Alle ha u naxariista , qofkii ugu horreeyey Soomaalida ee muteeystay shahaadada PhD-da cilmi-casriga maanta jira, ama sida uu u noqday Dr. Cilmi Ducaale oo weli nooli dhaqtarkii ugu horreeyey Soomaalida ee jaamacad ka soo qalin-jebiya.

Balse, waxaan ku dhiiran karaa oo cidina ku qabsan karin inuu ahaa marxuunku aabbihii cilmiga dhirta iyo deegaanka ee Soomaalida, sida ey ii xaqiijiyeen aqoon-maal doora oo ey isku xeyndaab-xirfadeed ahaayeen, badidoodna uu bare u ahaa.

Bara-sare Axmed Muumin Warfaa, burburkii dalka kadib wuxuu ka mid ahaa hal-doorkii day-dayga u galay dowladnimada dalka, wuxuu ka mid ahaa mufakiriintii maskaxdooda martida iyo magantaba loo ahaa, marka la eego masiibadii uu dalkiisu maquurtay, balse isaga iyo jaalkiisba wey ku maan-dawaqmeen, markii ey garan waayeen cid garasho iyo garaad u saaxiib ah oo la garata gunti-isku-giijintii ey wadeen.

Dadaalladii uu galay professor Warfaa qaran-jabkii dabadeed waxaa ka mid ahaa, ka shaqeynta dib u heshiisiin iyo baadi-doon dowladnimo, wuxuu ka mid ahaa abaabulayaashii unkay shirkii ugu horreeyey ee lagu wada-hadalsiiyo Soomaalidii Jamhuuriyaddu ka jabtay, isagoo markaa ahaa la-taliya-sare oo Qaramada Midoobay ugu qeybsanaa arrimaha Soomaaliya.

Wuxuu ahaa qof ku fogaaday fanni-aqooneedkaan aan kor ku soo faalleynay, had iyo goorna ku fooggan u iftiiminta bulshada faa’iidada dhirtu u leedahay dadkiisa iyo deegaankiisaba, waxaanad ku garataa arrintaas, markuu kuu xog-waramaayo iyo weliba wareysiyadiisa war-baahinta.

Waxaan tusaale nool u soo qaadan karnaa wareysi uu bixiyay bishii Luulyo 2018-kii mar uu la hadlay VOA-da oo wax laga weydiiyey xaalufinta dhirta iyo dhuxul ka sameeynta, ayuu sidaan ku war-celiyey “waan iska daayey gobollada qaarkood inaan tago, maxaa-yeelay waxey jarayaan dhirtii isla markaana ay u iib-geeyaan dalal shisheeye, sidaa darteed ma daawan karo xanuunkeeda!.

GUNAANAD

Marka laga yimaado aqoon-dhireedda uu ku caanbaxay, waxaa kale uu ahaa nin diinta iyo dhaqan-bulsheedkiisaba wax badan ka og.

Haddii uu kaala hadlaayo cilmiga diinta Islaanka waxa aad ogaaneysaa inuu ahaa wadaad waxbadan u soo xereeystay kasmo-diineedda Islaamka, sidoo kale haddana markuu kaaga war-sheekoonaayo sooyaal-dhaqameedka Soomaalida waxaad isweydiin war heedhe, ma shahaado sare ayuu ku sitaa dhaqan-aqoonnimada?

Isku soo duuboo boos bannaanaaday dheh, aanse la ogeyn bedel-buuxintiisu saad iyo si’ ey noqon.

Ugu dambeeyn waxaan uga tacsiyeeynayaa ummadda Soomaaliyeed aqoonyahaankaas weyn ee ka baxay, si gaar ahna waxaan uga baroor-diiqayaa ehelkii uu ka dhashay iyo maskax-maalka Soomaalida oo aheyd bah-weynta uu ku abtirsado.

W/Q: Cabdiqaadir Dhaqane Cumar

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda qaxootiga oo xilka la wareegay

Muqdisho (SONNA): Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Abdihakim Ashkir…

April 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shir looga hadlayo wada-shaqeynta xafiisyada Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho.(SONNA):- Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Cabdi-Jamaal Cusmaan Maxamed ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Muqdisho shir…

GudahaWararka
January 18, 2025

Duqa Muqdisho oo sheegay in waxii hada ka danbeeya la hubin doonno tayada dhismooyinka Magaalada Muqdisho

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Dib-u-howlgelinta Sheybaarka Hubinta Tayada Dhismaha Dowladda…

GudahaWararka
January 21, 2024

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho(3):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay ergayga…

GudahaWararka
March 2, 2026

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐤𝐡𝐮𝐝𝐛𝐚𝐝 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐧𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚

Muqdisho(SONNA):-Waxaa Magaalada Algerias ee caasimadda dalka Algeria lagu soo gabagabeeyay shirka Bangiga Horumarinta Islaamka oo sanad waliba xiligaan oo kale…

GudahaWararka
May 24, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023