Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Warfaafinta XFS โ€œDowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka
    January 23, 2026
    Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta
    January 23, 2026
    Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay qalin-jabinta saraakiil wax ka baranaayey Qadar
    January 23, 2026
    Guddoonka Baarlamaanka oo kulan la qaatay guddiyada kala duwan ee dib u eegista dastuurka
    January 22, 2026
    Agaasimaha haya’adda socdaalka iyo jinsiyadaha oo kulan la qaatay wafdi ka socda Dowladda Jarmalka
    January 22, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Taariikhda bare sare AUN Axmed Muumin Warfaa.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Taariikhda bare sare AUN Axmed Muumin Warfaa.
GudahaMaqaallada

Taariikhda bare sare AUN Axmed Muumin Warfaa.

By Mohamed Abdukadir Socdaal
Last updated: March 28, 2021
5 Min Read
Share

Eebbe weyne ha janneeyo, waxaa 24 Maarso 2021, Muqdisho ku geeriyooday Bare sare. Axmed Muumin Warfaa, oo ka mid ahaa aqoon-maalka iyo indheer-garadka Soomaalida, kuwooda wax laga weydiiyo kasmada geyiga iyo geedaha.

WAAYIHIISII WAXBARASHO

Wuxuu ku dhashay magaalada Buulabarde 1948-dii, iskuul hoose iyo dugsi qurโ€™aankana wuxuu ku qaatay isla Buulabarde. Dugsi dhexe wuxuu ka galay degaanka Jannaale, waxbarashadiisa dugsiga sare waxey ahayd Dugsigii Farsamada ee Xamar.

Jaamacadda heerka 1-aad (Bachelor Degree) wuxuu ka mid ahaa 21 arday oo lagu billaabay kulliyadda beeraha, wuxuuna ka mid ahaa guud ahaan ardaydii Soomaaliyeed ee lagu iba-furay Jaamacaddii Ummadda, shahaadada 2-aad ee heer aqooneedda sare (masters degree) wuxuu ku sammeeyey dalka Talyaaniga, halka tan ugu dambeeysa ee PhD-dana uu ka kasbaday jaamacadda Uppsala ee dalka Sweden.

WAAYIHIISII WAXQABAD

Wuxuu macalinnimo ka billaabay kulliyaddii beeraha ee Jaamacaddii Ummadda, bartamihii todobaatannada ilaa 1991-dii, oo aheyd ku kala dareeriddii dowladnimada dalka.

Bara-sare inuu ahaa kasa-kow, wuxuu ku biiray liiska Seynisyahannada caalamka dabayaaqadii 80-aadka ee qarnigii na dhaafay, kadib markii uu daah-furay nooc dhirta ka mid ah oo aan dunidu war ka heyn isaga hortiis.

Nooc dhireedkaan uu daah-furay waxaa lagu magacaabaa โ€œCyclamen somalenseโ€ af-cilmiyeedka Latin-ka, af Soomaalina โ€œDhegweynโ€ ayaa la dhahaa, waa ceyn ka mida geedgaabka geyigeenna waxaana laga helaa badiyaaba waqooyi bari Soomaaliya.

Waxaa ku wehliyey hal-abuur-aqooneedkan cusub nin u dhashay dalka Sweden oo ay jaal ahaayeen looguna yeero Mats Thulin.

Eebbe ha u raxmadee, marxuunku wuxuu ku talax-tegay cilmiga ab-tiriska iyo abla-ableynta dhirta (classification of plants) waana tan u horseeday inuu gaaro heer Seynisyahan (Scientist), oo ah mansab-cilmiyeed la gaaro tan ugu sarreeyso adduunkaan casriga ah ee maanta eynu joogno.

Hadda ka hor, mar baa la ii sheegay inuu yahay Seynisyankii ugu horreeyey ee Soomaalida, mase hubo anigu qof ahaan arrintaas sax ahaanshaheeda, mana ugu dhiiran karo sida aan u ogahay Dr. Cali Mire inuu ahaa Alle ha u naxariista , qofkii ugu horreeyey Soomaalida ee muteeystay shahaadada PhD-da cilmi-casriga maanta jira, ama sida uu u noqday Dr. Cilmi Ducaale oo weli nooli dhaqtarkii ugu horreeyey Soomaalida ee jaamacad ka soo qalin-jebiya.

Balse, waxaan ku dhiiran karaa oo cidina ku qabsan karin inuu ahaa marxuunku aabbihii cilmiga dhirta iyo deegaanka ee Soomaalida, sida ey ii xaqiijiyeen aqoon-maal doora oo ey isku xeyndaab-xirfadeed ahaayeen, badidoodna uu bare u ahaa.

Bara-sare Axmed Muumin Warfaa, burburkii dalka kadib wuxuu ka mid ahaa hal-doorkii day-dayga u galay dowladnimada dalka, wuxuu ka mid ahaa mufakiriintii maskaxdooda martida iyo magantaba loo ahaa, marka la eego masiibadii uu dalkiisu maquurtay, balse isaga iyo jaalkiisba wey ku maan-dawaqmeen, markii ey garan waayeen cid garasho iyo garaad u saaxiib ah oo la garata gunti-isku-giijintii ey wadeen.

Dadaalladii uu galay professor Warfaa qaran-jabkii dabadeed waxaa ka mid ahaa, ka shaqeynta dib u heshiisiin iyo baadi-doon dowladnimo, wuxuu ka mid ahaa abaabulayaashii unkay shirkii ugu horreeyey ee lagu wada-hadalsiiyo Soomaalidii Jamhuuriyaddu ka jabtay, isagoo markaa ahaa la-taliya-sare oo Qaramada Midoobay ugu qeybsanaa arrimaha Soomaaliya.

Wuxuu ahaa qof ku fogaaday fanni-aqooneedkaan aan kor ku soo faalleynay, had iyo goorna ku fooggan u iftiiminta bulshada faaโ€™iidada dhirtu u leedahay dadkiisa iyo deegaankiisaba, waxaanad ku garataa arrintaas, markuu kuu xog-waramaayo iyo weliba wareysiyadiisa war-baahinta.

Waxaan tusaale nool u soo qaadan karnaa wareysi uu bixiyay bishii Luulyo 2018-kii mar uu la hadlay VOA-da oo wax laga weydiiyey xaalufinta dhirta iyo dhuxul ka sameeynta, ayuu sidaan ku war-celiyey โ€œwaan iska daayey gobollada qaarkood inaan tago, maxaa-yeelay waxey jarayaan dhirtii isla markaana ay u iib-geeyaan dalal shisheeye, sidaa darteed ma daawan karo xanuunkeeda!.

GUNAANAD

Marka laga yimaado aqoon-dhireedda uu ku caanbaxay, waxaa kale uu ahaa nin diinta iyo dhaqan-bulsheedkiisaba wax badan ka og.

Haddii uu kaala hadlaayo cilmiga diinta Islaanka waxa aad ogaaneysaa inuu ahaa wadaad waxbadan u soo xereeystay kasmo-diineedda Islaamka, sidoo kale haddana markuu kaaga war-sheekoonaayo sooyaal-dhaqameedka Soomaalida waxaad isweydiin war heedhe, ma shahaado sare ayuu ku sitaa dhaqan-aqoonnimada?

Isku soo duuboo boos bannaanaaday dheh, aanse la ogeyn bedel-buuxintiisu saad iyo siโ€™ ey noqon.

Ugu dambeeyn waxaan uga tacsiyeeynayaa ummadda Soomaaliyeed aqoonyahaankaas weyn ee ka baxay, si gaar ahna waxaan uga baroor-diiqayaa ehelkii uu ka dhashay iyo maskax-maalka Soomaalida oo aheyd bah-weynta uu ku abtirsado.

W/Q: Cabdiqaadir Dhaqane Cumar

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Warfaafinta XFS โ€œDowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa'uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa…

January 23, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Golaha Shacabka oo meel mariyay Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka

Muqdisho-(SONNA)-Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Cod aqlabiyad ah ku meel Mariyey Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo maray…

GudahaWararka
August 16, 2023

Qaar kamid ah shacabkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe-2 oo lagu soo daweeyey dalka Imaaraatka yaa maanta dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho(SONNA):-Waxaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay qaar ka mid ah dhaawacyadii Qaraxii Zoobe-2 kadib markii lagu soo daweeyay isbitaallada…

GudahaWararka
February 3, 2023

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanka dowladda FS oo amar ku soo rogtay ganacsatada dalka keena Shidaalka

Muqdisho (SONNA): Wareegto ka soo baxday wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta dowladda FS mudane Dr Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa lagu…

GudahaWararka
November 14, 2023

Wasiirka waxbarashada oo London uga qaybgalay madasha caalamiga ee waxbarashada

London (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay…

GudahaWararkaWaxbarashada
May 21, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023