Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo Taageero U Muujisay Kuwait Kadib Weeraradii Gantaalka Iyo Diyaaradaha Drones-ka
    May 30, 2026
    ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐€๐๐ค๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐Œ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐†๐€๐ƒ ๐ž๐ž ๐Š๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ญ๐š๐ ๐ ๐š ๐„๐›๐จ๐ฅ๐š
    May 30, 2026
    Ururka Hidda Dhoor oo Bandhig Cajiib ah ka Sameeyay Maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha oo lagu Qabtay Dalka Belgium
    May 29, 2026
    Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac oo Maka kula kulmay Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga
    May 29, 2026
    Raโ€™iisul Wasaare Xamza: “Waxaa jira dowlado doonaya in ay dalkeenna kala gooyaan”
    May 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Tรผrkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Tรผrkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    โ€œKoonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyaddaโ€œ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Qaraxyada Shabaab qolona u gaar ma aha!!
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Qaraxyada Shabaab qolona u gaar ma aha!!
Maqaallada

Qaraxyada Shabaab qolona u gaar ma aha!!

By Mohamed Abdukadir Socdaal
Last updated: April 3, 2021
4 Min Read
Share

Dad badan ayaa aaminsanaa in Shabaab ay raadsadaan dad gaar ah ama ay Qaraxyo la beegsadaan goobo cayiman. Inkasta oo hadda Shacabka Soomaaliyeed badankood ay fahmeen in shabaab ay ka goโ€™an tahay xasuuqa Umadda Soomaaliyeed yar iyo weyn, caruur iyo ciroole, haddana qaarkeen ayaa aaminsan in shabaab aanu dooneyn oo marka arimaha qaarkood aad kala hadasho ku oranaya โ€œsaaqaas ha i galinโ€ imisa ayaanan saaq galin haddana saaq laโ€™aan la xasuuqay?

Dib iila milicso qaraxyada Shabaab ay ku bar-tilmaameedsadeen maatada iyo indhaha Bulshada.

Caawa toddobadii fiidnimo waxa ay weerar ka geysteen isgoyska Saddexda geed ee Shangaani, waxaa ku dhintay Lix qof oo uu ku jiray canug yar. Isgoyskaas waxaa ku shaaxeyn jiray dhalinyarada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan. Waxaa goobta ku shaaxeyn jiray dhalinyaro wax baratay oo badankood shaqo laโ€™aan ah, kuwaa oo ka sheekeysta waqtiga iyo waayaha nolosha.

Waxaa ka sii horeeyay Qaraxii Maqaayadda Luul Yamani oo ah maqaayad ay ku caweyn jireen dhalinyaro aqoon yahano ah. Luul Yamani waxa ay aheyd maqaayad ay isku ballansadaan dadka Indhaha Bulshada ah maaddaama ay aheyd goob bilicdeedu wanaagsanayd, aadna loo habeeyay. Falkii isqarxinta ee ay ka fuliyeen naftood haligayaashu maqaayaddaas waxaa ku naf waayay labaatameeyo kuligood ahaa indhaha Bulshada.

Aqriste aniga uun yaanan kaaga sheekeyn qaraxyada calool taabadka ah ee ka dhacay dalkeena kuwaa oo aan ku weynay dad aanan mudneyn geerida ama ugu yaraan aan jecleen in intaa ka badan ay u noolaadaan dalkooda iyo dadkooda. Bal ilbiriqsiyo ka fekerโ€ฆ dib u milicso qaraxyadii xad-dhaafka ahaa. Waan filayaa in aad xasuusatay hebel, hebelaayo iyo hebelo kale oo badan!!.

Khawaarijta Al Shabaab waxa ay dil la doonayaan aniga, adiga iyo dhamaan Umadda Soomaaliyeed. Cidna uma kala soocna oo waxa ay si silac ah u dileen Hooyo miis la fadhiday khudaar si ay u maareyso nolosha ciyaalkeeda aanay u maqneyn cid aanan alle ka ahayn. Waxa ay sababeen in hilibkiisa la isku aruuriyo Aabe Soomaaliyeed oo bagaash jidka la dhinac fadhiyay si uu u shaqaysto risqi xalaal ah oo nolosha reerkiisa ku maareeyo.

Ma ilaawi karayo. kaligey ma aha ee adba waad ilaawi laโ€™ dahay. Waxa aad si weyn oo uurku-taalo leh u xasuusataa Qaraxii dhamaadka sanadkii tagay ka dhacay maqaayadda Jalato davino, maya, malaha waxaa kaaga xanuun badanaa Qaraxii dhamaadka sanadkii ka horeeyay ee Isgoyska Ex-Contarool Afgooye kaa oo ay ku shahiideen Ubixii dalka ee Jaamacadda u kalahayay, mise waxa aad xasuustaa Qaraxii 14-Oktoobar ee Soobe? Malaha waxaa kaaga sii darnaa Qaraxii toban sanadood ka hor ahaa ee Hargaha iyo Saamaha kaa oo lagu xasuuqay boqolaal arday Jaamacado dalka Turkiga ah loo soo aqbalay? Shaamoow miyaad ilowday?

Haddii aan iraahdo waxa aan tirinayaa qaraxyadii ay shabaab inagu xasuuqeen tan iyo markii ay dalka ka bilowdeen tiro ma leh. Tiris qarax kama gaarno ee aan isla xisaabno Imisa ayey dhuumaaleysi ku dileen? Tan ayaaba ka daran ayaad is tiri sowma aha?

Midna xisaabi kari mayno saaxiib, waxaase hubaal ah in kuwaa iyo kuwo la mid ah ba ay ina soo mari doonaan inta aan caqliyaddii hore ku wajahayno Shabaab oo caqligoodu yahay daadinta dhiigeena.

Dadka inooga baxay gacanta argagixisadu waa Shuhado oo Alle ayaan uga rajaynayaa in uu Janadiisa Fardowso ku casuumo, laakiin anaga nool maxaa inoo qorshe ah? Ma dilka iyo duleynta Shabaab oo degdeg ku soo gabagabayn karo haddaan is garabsano ayaan sugnaa mise dhiig ayeynu isku yeelnaa oo Shabaab iyo Shabaab kalkaalba shiirkole ayeynu geynaa? Jawaabta waa adiga.

 

W/Q: Mohamed Abdikadir Socdaal

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo Taageero U Muujisay Kuwait Kadib Weeraradii Gantaalka Iyo Diyaaradaha Drones-ka

War-Saxaafadeed. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay…

May 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Qaar ka mid Goobaha lagu barto Qur’aanka Kariimka oo dayac fara badan uu ka muuqdo (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Aaska-aaska nolosha carruurnimada Soomaalida waa waxa ay waligeedbaย  ahayd mid barashada Qurโ€™aanka Kariimka muhiimad gaar ah lagu siiyo, waana…

Maqaallada
March 12, 2023

Soomaaliya oo 54 Sano ka dib xubin ka noqotey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

(SONNA โ€“ New York) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xubin aan joogto ahayn kaga mid noqotey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,…

Maqaallada
January 2, 2025

Madaxweyne Xasan Sh.โ€œCid awood u leh in ay bixiso cad ka mid ah dalka Soomaaliya ma jirtoโ€ (WARBIXIN)

Heshiiskii is-afgarad ay dhexmaray Dowladda Ethiopia iyo Somaliland ee Jannaayo 1, 2024 lagu gaaray magaaladda Adis Ababa, waa waxba kama…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
January 3, 2024

โ€˜Kaarka Aqoonsiga waa dhowrista xogta, ammaanka iyo hufnaanta adeegyada dowladda (FAALLO)

Hey'adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) waa Heyโ€™adda ugu muhiimsan ee dowladda Soomaaliya u xilsaaran taabagelinta iyo ilaalinta nidaamka aqoonsiga…

GudahaMaqaalladaWararka
August 8, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023