Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Qadar kula kulmay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ee dalkaasi
    January 22, 2026
    Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Ganacsatada Gobolka Banaadir
    January 22, 2026
    R/Wasaare Xamsa oo boogaadiyay ciidanka Danab iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan deegaanka Kudhaa
    January 22, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la yeeshay safiirka Turkiga
    January 21, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyey Madaxweynaha Uganda oo mar kale la doortay
    January 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Qaraxyada Shabaab qolona u gaar ma aha!!
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Qaraxyada Shabaab qolona u gaar ma aha!!
Maqaallada

Qaraxyada Shabaab qolona u gaar ma aha!!

By Mohamed Abdukadir Socdaal
Last updated: April 3, 2021
4 Min Read
Share

Dad badan ayaa aaminsanaa in Shabaab ay raadsadaan dad gaar ah ama ay Qaraxyo la beegsadaan goobo cayiman. Inkasta oo hadda Shacabka Soomaaliyeed badankood ay fahmeen in shabaab ay ka goโ€™an tahay xasuuqa Umadda Soomaaliyeed yar iyo weyn, caruur iyo ciroole, haddana qaarkeen ayaa aaminsan in shabaab aanu dooneyn oo marka arimaha qaarkood aad kala hadasho ku oranaya โ€œsaaqaas ha i galinโ€ imisa ayaanan saaq galin haddana saaq laโ€™aan la xasuuqay?

Dib iila milicso qaraxyada Shabaab ay ku bar-tilmaameedsadeen maatada iyo indhaha Bulshada.

Caawa toddobadii fiidnimo waxa ay weerar ka geysteen isgoyska Saddexda geed ee Shangaani, waxaa ku dhintay Lix qof oo uu ku jiray canug yar. Isgoyskaas waxaa ku shaaxeyn jiray dhalinyarada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan. Waxaa goobta ku shaaxeyn jiray dhalinyaro wax baratay oo badankood shaqo laโ€™aan ah, kuwaa oo ka sheekeysta waqtiga iyo waayaha nolosha.

Waxaa ka sii horeeyay Qaraxii Maqaayadda Luul Yamani oo ah maqaayad ay ku caweyn jireen dhalinyaro aqoon yahano ah. Luul Yamani waxa ay aheyd maqaayad ay isku ballansadaan dadka Indhaha Bulshada ah maaddaama ay aheyd goob bilicdeedu wanaagsanayd, aadna loo habeeyay. Falkii isqarxinta ee ay ka fuliyeen naftood haligayaashu maqaayaddaas waxaa ku naf waayay labaatameeyo kuligood ahaa indhaha Bulshada.

Aqriste aniga uun yaanan kaaga sheekeyn qaraxyada calool taabadka ah ee ka dhacay dalkeena kuwaa oo aan ku weynay dad aanan mudneyn geerida ama ugu yaraan aan jecleen in intaa ka badan ay u noolaadaan dalkooda iyo dadkooda. Bal ilbiriqsiyo ka fekerโ€ฆ dib u milicso qaraxyadii xad-dhaafka ahaa. Waan filayaa in aad xasuusatay hebel, hebelaayo iyo hebelo kale oo badan!!.

Khawaarijta Al Shabaab waxa ay dil la doonayaan aniga, adiga iyo dhamaan Umadda Soomaaliyeed. Cidna uma kala soocna oo waxa ay si silac ah u dileen Hooyo miis la fadhiday khudaar si ay u maareyso nolosha ciyaalkeeda aanay u maqneyn cid aanan alle ka ahayn. Waxa ay sababeen in hilibkiisa la isku aruuriyo Aabe Soomaaliyeed oo bagaash jidka la dhinac fadhiyay si uu u shaqaysto risqi xalaal ah oo nolosha reerkiisa ku maareeyo.

Ma ilaawi karayo. kaligey ma aha ee adba waad ilaawi laโ€™ dahay. Waxa aad si weyn oo uurku-taalo leh u xasuusataa Qaraxii dhamaadka sanadkii tagay ka dhacay maqaayadda Jalato davino, maya, malaha waxaa kaaga xanuun badanaa Qaraxii dhamaadka sanadkii ka horeeyay ee Isgoyska Ex-Contarool Afgooye kaa oo ay ku shahiideen Ubixii dalka ee Jaamacadda u kalahayay, mise waxa aad xasuustaa Qaraxii 14-Oktoobar ee Soobe? Malaha waxaa kaaga sii darnaa Qaraxii toban sanadood ka hor ahaa ee Hargaha iyo Saamaha kaa oo lagu xasuuqay boqolaal arday Jaamacado dalka Turkiga ah loo soo aqbalay? Shaamoow miyaad ilowday?

Haddii aan iraahdo waxa aan tirinayaa qaraxyadii ay shabaab inagu xasuuqeen tan iyo markii ay dalka ka bilowdeen tiro ma leh. Tiris qarax kama gaarno ee aan isla xisaabno Imisa ayey dhuumaaleysi ku dileen? Tan ayaaba ka daran ayaad is tiri sowma aha?

Midna xisaabi kari mayno saaxiib, waxaase hubaal ah in kuwaa iyo kuwo la mid ah ba ay ina soo mari doonaan inta aan caqliyaddii hore ku wajahayno Shabaab oo caqligoodu yahay daadinta dhiigeena.

Dadka inooga baxay gacanta argagixisadu waa Shuhado oo Alle ayaan uga rajaynayaa in uu Janadiisa Fardowso ku casuumo, laakiin anaga nool maxaa inoo qorshe ah? Ma dilka iyo duleynta Shabaab oo degdeg ku soo gabagabayn karo haddaan is garabsano ayaan sugnaa mise dhiig ayeynu isku yeelnaa oo Shabaab iyo Shabaab kalkaalba shiirkole ayeynu geynaa? Jawaabta waa adiga.

 

W/Q: Mohamed Abdikadir Socdaal

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Qadar kula kulmay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ee dalkaasi

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo booqasho rasmi…

January 22, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ujeedka koowaad ee Dowladda Soomaaliya waa ciribtirka Khawaarijta (Warbixin)

Muqdisho(SONNA):-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii Nofember ee sanadkii 2022-kii u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya,…

Maqaallada
January 10, 2023

Isdiiwaangalinta doorashooyinka oo ka bilowday Banaadir (WARBIXIN)

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta hirgalinta doorasho dadweyne oo Soomaaliya ugu dambeysay 58 sanno ka hor, taasi oo uu…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
April 16, 2025

Farriin digniin ah oo ku socota Deeganada uu maro Wabiga Shabeelle (WARBIXIN)

Inta aan u guda galin dulucda Warbixinta aan yara jaleecnno taariikhda Degmada Baardheere, Magaalada Baardheere waa magaalo aad u fac…

GudahaMaqaallada
March 27, 2023

Maxay uga dhigan tahay qaadista Cuneqabateynta Hubka Soomaaliya? (WARBIXIN)

Fadhi ay yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-kii. Tallaabadaan…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
December 2, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023