Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ilaalinta Hantida Guud Waa Mas’uuliyad Wadareed !
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Ilaalinta Hantida Guud Waa Mas’uuliyad Wadareed !
MaqaalladaWararka

Ilaalinta Hantida Guud Waa Mas’uuliyad Wadareed !

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 28, 2020
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)-Muwaadin kasta waxaa saaran waajib ah inuu ilaaliyo hantida guud ee lawada leeyahay sida uu u ilaaiyo hantidiisa gaarka ah oo kale.

Goobaha waxbarashada guud, garoomada ciyaaraha, waddooyinka, jardiimooyinka, goobaha taariikhiga ah iyo wixii la mid ah waxay ka dhaxeeyaan dadka, waana hantida dadka maanta nool iyo dhaxalka jiilka soo socda sidaa darteed ma jiro qof kharribi kara ama wax u dhimi kara.

Muddadii aan dowlad la’aanta ku jirnay wax badan ayaan waynay, waxaana hoos u dhacay hankii qofka Soomaaliga ah. Waxaa is bedelay qaarka mid ah ujeedooyinkii waawaynaa ee aan ku mideysnaan jirnay sidoo kalena waxaa hoos u dhac ku yimid wacyiga bulshada ay ka haystaan dowladnimada.

Hoos u dhacaas dhanka wacyiga ah wuxuu keenay in dadka qaar kala garan waayaan dhibta iyo dheefta ama kala saari waayaan wixii dan ugu jirto ama shar uga imaan karto.

Dalkeena hadda wuxuuu marayaa xaalad dib u dhis ah, waxaan kasoo kabanaynaa dhibaatooyin badan oo na soo gaaray sidaa darteed waxaa lagama maarmaaan ah in bulshada gaar ahaan dhallinyarada aan nasiib u yeelan inay dowlad ku soo koraan la baro waxa loo yaqaano hantida guud iyo micnaha dowladnimada oo sax ah.

Barasho kasta waxay ka billaabata guriga ee waalidiinta waxaa saaran mas’uuliyad gaar ah, waana inay carruurtooda ku barbaariyaan si fiicanna qalbigooda ugu beeraan jacaylka dalkooda iyo sida looga shaqeeyo danta guud si beri ay u soo baxaan jiil  garanaaya waxa ay wada leeyihiin iyo sida loo ilaashado.

Goobaha waxbarashada sida school-da iyo jaamcadaha waa meelaha lagu koriyo maskaxda ardayda lagana soo saaro hoggaamiyaasha dalalka iyo jiil wax ku soo kordhin kara adduunka, iyada oo kaalintaas ahmiyadda leh awgeed la eegaayo waxaa saaran macallimiinta iyo maamulka  gobaha wax barashada inay cilmiga ay dhigayaan ku salleeyaan xaaladda aan ku jirno, dadaal dheerna geliyaan sidii sare loogu qaadi lahaa wacyiga guud ee dhallinyarada.

Waxaa iyaduna lagama maarmaan ah in dowladdu xoog badan geliso sidii dhallinyarada aan nasiib u yeelan maamul wanaag iyo dowlad dhisan loo bari lahaa ahmiyadda dowladnimo, laba jibbaarna lagu sameeyo wacyi gelinta guud iyo barnaamijyo ka qayb qaata sidii dhallinyaradu u heli lehayd fahan fiican oo dhanka dowladnimada la xiriira.

Qofku markuu yaqaano waajibaadka saaraan iyo xuquuqda uu leeyahay waxaa yaraaneysa inuu sameeyo fowdo ama ka qayb qaato kharribaad wax u dhimi karta hannaanka dowladnimo.

Haddii ay dhacdo in khalad laguugu sameeyo ama xuquuq aad lahayd laga weeciyo waxaa kuu furan inaad marto waddooyin loo sameeyay in lagu xalliyo wixii khaldan laakin haddii aad khaladkii lagaa galay khalad kale kusii saxdo waxaa si badanaya dhibaatada, waxaana ka faa’iideysanaaya kuwa jecel fowdada.

Tusaalaha ahaan dadku xaq ayay u leeyihiin inay sameeyaan mudaaharaad ay ku dalbanayaan xuquuqdooda ama ku diidayaan dulmi lagu sameeyay, laakin xaq uma lahan inay ku xad gudbaan hantida guud ama hantida gaar loo leeyahy.

Caalamka oo dhan waa laga sameeyaa bannaanbax, waxayna isku soo baxyadu ka mid noqdeen dariiqooyinka kala duwan ee nidaamka jira lagu gaarsiiyo farriin iyo inaan raali laga ahayn sida ay wax u socdaan laakin bannaanbaxaas waxaa lagama maarman ah inuusan wax ku sii dheelin ee ujeedkisu noqdo sixitaan iyo xaq doon.

Bannaanbaxyada wata rabshado inta badan waxaa ka dhasha khasaaro kala duwan halka kuwa nabadeed lagu gaaro ujeedooyinkii laga lahaa.

Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa maanta saaran mas’uuliyad wayn oo ah in laga wada shaqeeyo sidii dalkaan loo gaarsiin lahaa horumar iyo wanaag iyagoo wax ka baranaaya dhibaatooyinkii lasoo dhaafay sidoo kalena ilaashanaya hannaanka dowladnimo.

Waxaa iyaduna xusid mudan sida aan ciwaanka ka dhigayba in ilaalinta  hantida guud ay tahay mas’uuliyad wadareed loona baahan yahay in xil la iska wada saaro.

W.Q. Axmed Maxamed Axmed

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Goobahan ayaad ka heli kartaa talaalka ka hortaga COVID19 haddii aad ku sugan tahay Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Cafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda waxey dadweynaha ku nool magaaladda Mogadishu la wadaagaysaa Goobaha Caafimaad ee laga heli karo Tallaalka…

GudahaWararka
March 28, 2021

S/Guuto Axmed Suleymaan Dafle oo ku Geeriyooday Belgium-ka.

S/Guuto Axmed Suleymaan Dafle oo ku Geeriyooday Belgium-ka. Allaha u naxariistee Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle) oo ahaa Wasiirkii…

EnvironmentGudahaWararka
April 10, 2025

Guddoomiyaha Gudidda Difaaca aqalka Sare oo furay tababar ku saabsan habraaca dib u eegista miisaaniyadda Hay’adaha amniga iyo Difaaca

Muqdisho(SONNQ):-Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Cabdinaasir Maxamed, ayaa maanta daah furay…

GudahaWararka
August 27, 2025

Wasiirka Maaliyadda XFS oo saaka booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya

(SONNA)-Wasiirka Wasaarada Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iiman Cige oo howlo shaqo u joogay dalka Aljeeriya ayaa maanta booqday xarunta cusub…

GudahaWararka
May 24, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023