Gudaha
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo baxay finalka tartanka CECAFA

Muqdisho,(SONNA):- Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka tartanka isreeb-reebka CECAFA, kaddib markii ay ciyaar waqtigii rasmiga ahaa ee loogu talogalay kusoo dhmaatay 1-1, ay ugu dambeyn Gool kulaad 5-4 ah kaga adkaadeen dhiggooda Rwanda, kulan ka tirsanaa wareegga afar-dhammaadka tartanka.
Xulka Ocean Stars ayaa soo bandhigay ciyaar wanaagsan oo ay ka muuqatay xirfad, isku xirnaan iyo adkaysi, taas oo u suurtagelisay inay garoonkooda kaga adaakdaan xulka ay martida u ahaayeyn ee Rwanda , isla markaana ay si rasmi ah u xaqiijiyaan booskooda finalka.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Maxamed Cabduqaadir Cali, iyo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa geesiyada xulka qaranka ku amaanay sida geesinamada leh oo ay u difaaceen sharafta iyo sumcadda calankeenna Soomaaliyeed.
Si kasataba Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa hada talaabo u jira hanashada tartanka, waxeyna kulanka kama dambaysta ah ay 19 October la ciyaari doonaan dhigooda Uganda.





