Wararka
Machadka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda oo tababar muhiim u furay shaqaalaha Dowladda

Muqdisho,(SONNA):- Machadka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Qaranka (NTTI) ee Wasaaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda XFS, ayaa maanta furay barnaamij lagu tayeynayo aqoonta dhijitaalka ah ee shaqaalaha dowladda, si kor loogu qaado awooddooda adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah.
Barnaamijka oo uu daahfuray agaasimaha machadka Mudane Maxamed Cabdulaahi, ayaa lagu bilaabay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan ilaalinta xogta, kaas oo diiradda saaraya amniga macluumaadka, asturnaanta iyo ka hortagga khataraha dhijitaalka ah.
Tababarradan ayaa la filayaa inay shaqaalaha dowladda ka caawiyaan horumarinta xirfadahooda shaqo, ilaalinta xogta xasaasiga ah iyo adeegsiga nidaamyada dijitaalka ah si hufan oo mas’uuliyad leh, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu casriyeynayo adeegyada dowladda.
Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ayaa xoogga saaraysa dadaallada lagu xoojinayo doorka Machadka isgaarsiinta, si uu u buuxiyo kaalintiisa ku aaddan tababarrada shaqaalaha dowladda iyo kobcinta awoodda hay’adaha dowladda ee la jaanqaadidda isbeddellada tiknoolajiyadda casriga ah.




















