Gudaha
Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo Mar Kale Xaqiijisay Taageerada ay u heyso Midnimada iyo Wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Mudane Ismaaciil Ould Sheekh Axmed, intii ay socdeen hawlaha kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee OIC.
Xoghayaha Guud ayaa mar kale xaqiijiyey taageerada joogtada ah ee OIC u hayso midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya.
Wasiir Cabdisalaan ayaa bogaadiyey doorka Ururka ee xoojinta midnimada iyo wadajirka dalalka Islaamka.






