calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

AGAASIME KUXIGEENKA GUUD EE MADAXTOOYADA OO XARIGGA KA JARAY DHISMAYAAL LAGU HORUMARINAYO BILICDA MADAXTOOYADA QARANKA

AGAASIME KUXIGEENKA GUUD EE MADAXTOOYADA OO XARIGGA KA JARAY DHISMAYAAL LAGU HORUMARINAYO BILICDA MADAXTOOYADA QARANKA
AGAASIME KUXIGEENKA GUUD EE MADAXTOOYADA OO XARIGGA KA JARAY DHISMAYAAL LAGU HORUMARINAYO BILICDA MADAXTOOYADA QARANKA — SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka jaray dhismayaal qayb ka ah qorshaha dib-u-habaynta iyo casriyeynta Madaxtooyada Qaranka.

Dhismayaasha uu xarigga ka jaray Agaasimuhu waxaa ka mid ah astaanta Madaxtooyada iyo dhismeyaal kale oo muhiim u ah muuqaalka iyo bilicda guriga ee Madaxtooyada Qaranka Soomaaliyeed.

Agaasime Sakariye ayaa bogaadiyey dadaalka iyo wada-shaqaynta lagu hirgeliyey hawlahan, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyey shaqaalaha, farsamayaqaannada iyo qaybaha kala duwan ee ka qayb qaatay qorshaynta, dhismaha iyo dhammaystirka hawlahan.

Ugu dambayn, Kusimaha Agaasimaha Guud ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta dadaallada lagu horumarinayo Madaxtooyada Qaranka, maadaama ay muujinayso horumarka iyo dib u kabashada dalkeenna.

La wadaag