calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha Ciidamada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha Ciidamada
Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha Ciidamada — SONNA
Baydhabo (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil C/rashiid Xaaji Cabdi ayaa magaalada Baydhabo ku guddoomiyay, shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. Shirka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, dardargelinta howlaha xasillinta, sugidda amniga, la dagaallanka argagixisada, gurmadka abaaraha iyo isku dubbaridka dadaallada dowladeed ee lagu xaqiijinayo nabad iyo horumar waara oo ka hanaqaada guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed. Madaxweynaha oo warbixinno faahfaahsan ka dhageystay Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiinta amniga dalka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay mideynta awoodda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka, si loo dardar geliyo adeegyada bulshada, dib u dhiska hay’adaha maamulka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha deegaanka.
La wadaag