Gudaha
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Dastuurka XFS oo shir muhiim ah ka qeyb galay

Muqdisho,(SONNA):- Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda XFS ayaa ka qaybgalay Maalinta Sharciga iyo Maamul-wanaagga Cimilada (Climate Law and Governance Day 2026), oo ah madal sannadle ah oo ay ku kulmaan hay’adaha ku shaqada leh sharciga, caddaaladda iyo arrimaha cimilada, si ay uga wada hadlaan xoojinta shuruucda, maamul-wanaagga iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowliga ah.
Doodaha madasha ayaa salka ku hayey ra’yiga talo-bixinta ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ Advisory Opinion), oo la soo saaray 23-kii Luulyo 2025, kaas oo faahfaahinaya waajibaadka sharci ee ka saaran dowladaha wax ka qabashada isbeddelka cimilada.
Iyadoo laga duulayo aragtidaas sharciyeed, Xoghayaha Joogtada ah ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in sharciga iyo caddaaladdu udub-dhexaad u noqdaan doodaha iyo tallaabooyinka wax looga qabanayo isbeddelka cimilada.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimiladu ay u baahan tahay xoojinta maamul-wanaagga, hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, si loo helo hay’ado dowladeed oo awood leh, hufan oo hanan kara Maaliyadda loogu talogalay la-qabsiga saameynta cimilada iyo magdhawga daaraamaha laga baaqsan waayay.







