Wararka
Wafdi ka socda Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo magaalada Jiddah kaga qaybgalay tababar caalami ah

Muqdisho(SONNA):-Wafdi ka socda Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa magaalada Jiddah kaga qaybgalay tababar caalami ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Tababarka oo ay ka qaybgaleen wakiillo ka kala socday dhammaan dalalka caalamka Islaamka ayaa diiradda lagu saaray sare u qaadista hufnaanta howlaha Xajka, tayeynta adeegyada la siiyo xujeyda iyo sidii loo horumarin lahaa hab-maamulka iyo isku-duwidda shaqada xilliga gudashada waajibaadka Xajka.
Wafdiga Soomaaliya ee Wasaaradda Awqaafta iyo arimaha islaamka JFS, ayaa si firfircoon uga qaybqaatay kulammadii iyo hawlihii tababarka, iyaga oo la wadaagay wakiillada kale khibrado iyo aragtiyo la xiriira adeegyada Xajka iyo sida Soomaaliya ay umaamusho.
Tababarkan oo socday muddo afar maalmood ah ayaa qabsoomay ka hor shirka 6-aad ee caalamiga ah ee arrimaha Xajka. Xubnaha wafdiga ayaa la guddoonsiiyey shahaadooyin caddeynaya ka qaybgalka iyo dhammaystirka tababarka.
Gabagabadii, ka qaybgalka tababarkan ayaa wafdiga Wasaaradda u horseeday aqoon iyo waayo-aragnimo dheeraad ah oo la xiriirta maamulka iyo habsami-u-socodka howlaha Xajka, taas oo la filayo in ay door muuqda ka qaadato horumarinta adeegyada Xajka ee sannadaha soo socda.







