calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Ciyaaraha

Dekedda oo guul kaga gaartay kooxda Heegan kulan ka tirsanaa horyaalka Somali Premier League

Dekedda oo guul kaga gaartay kooxda Heegan kulan ka tirsanaa horyaalka Somali Premier League
Dekedda oo guul kaga gaartay kooxda Heegan kulan ka tirsanaa horyaalka Somali Premier League — SONNA

.

Muqdisho(SONNA)-Kooxaha Heegan iyo Dekedda fc ayaa galabta kulan xiiso badan kuwada ciyaaray garoonka Eng Yariisow Stadium, ciyaar qeyb ka aheyd horyaalka Somali Premier League.

Qeybtii koowad ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineyso kooxda Dekedda.

Goolka  kooxda Dekedda ayaa ku yimid mid ay iska dhaliyeen xidigaha Heegan, sidaas ayeyna ciyaarta ku noqotay 1-0.

Markii dib la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta labada kooxood ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse kooxda Dekedda ayaa la timid goolkii labaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyay ciyaaryahanka lagu magacaabo Khadar, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Dekedda.

Kooxda Heegan ayaa iyadana markeeda la timid gool, waxaana 2-1 ka dhigay Cabdimajiid Benteke.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-1 ay guusha ku raacday kooda Dekedda, waxayna hoggaanka horyaalka ku qabteen saddex dhibcood nadiif ah.

La wadaag