Wararka
Wasaaradda cadaaladda oo muddeysay doorashada ururka Qareenada Soomaaliyeed

Xayeysiis
Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macalin Mxamuud ayaa soo saaray Xeer Wasiir oo ka hadlaya nidaaminta iyo muddeynta doorashada ku-meel-gaarka ah ee Ururka Qareennada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, wuxuu soo saaray Hagaha Guud ee Doorashada Ururka, iyadoo si gaar ah loo xoojiyay ilaalinta qoonddada dumarka qareennada ah, xilalka Ururka ee loo tartamayo iyo Muda-xileedkooda.
Xeerku wuxuu farayaa in doorashada ku-meel-gaarka ah lagu qabto muddo laba bilood gudahood ah, laga bilaabo 24-ka Nofeembar 2026.
La wadaag



