Wararka
Wasiirka warfaafinta oo wasaaradda ku soo dhoweeyey danjiraha Jabuuti

Xayeysiis
Muqdisho (SONNA): Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Mudane Cismaan Dubbad
Wasiir Cabdifataax Qaasim iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Jabuuti ee dhinacyada Warfaafinta iyo Dalxiiska, iyo sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen ilaalinta iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed ee ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah.
Kulanka kaddib, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cusmaan Dubbad, ayaa booqday xarumaha Warbaahinta Qaranka iyo Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Qaranka (Tiyaatarka Qaranka), Hobollada Qaranka Waaberi ayaana Wasiirka iyo Safiirka ku soo dhoweeyey Tiyaatarka Qaranka, iyagoo halkaas ku soo bandhigay heeso ka tarjumayay iskaashiga walaalnimo ee labada Qaran.





















