Wararka
Wasiirka Caafimaadka oo Addis Ababa ka jeediyay khudbad ku saabsan maareynta xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka

Xayeysiis
Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka jeediyay khudbad kulan heer sare ah oo ka qeyb ahaa Shirka Caalamiga ah ee Caafimaadka Dadweynaha Afrika (CPHIA 2026), kaas oo diiradda saarayay hoggaaminta, isku-duwidda iyo maareynta xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka dalalka ay saameeyeen colaadaha iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Uganda, H.E Jessica Alupo, wasiirrada caafimaadka gobolka, mas’uuliyiinta Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada Afrika (Africa CDC), wakiillo ka socday dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah, hamigooduna ahaa in la xoojiyo nidaamyo caafimaad oo adkaysi u leh xaaladaha degdegga ah.
Intii uu khudbadda jeedinayay, Wasiirku wuxuu soo bandhigay waayo-aragnimada Soomaaliya ee ku aaddan joogteynta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah xilliyada dhibaatooyinka, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in adeegyada caafimaadku gaaraan dadka nugul, carruurta, haweenka iyo deegaannada ay adag tahay in la gaarsiiyo gurmadka.
Waxa uu sidoo kale dul istaagay baahida loo qabo in la horumariyo hababka diyaar-garowga iyo iskaashiga gobolka, si loo xaqiijiyo in adeegyada caafimaadku aysan hakad gelin xilliyada xaaladaha degdegga ah. Ka qeybgalka Wasiirka ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta nidaam caafimaad oo waara.






